Bangiga Ganacsiga itoobiya ayaa barakacayaasha wadanka ugu deeqay 100 milyan oo birr..

195

Bangiga Ganacsiga itoobiya ayaa cadeeyey inay barakacayaasha wadanka gudihiisa oo dhan ugu deeqeen 100 milyan oo birr.

Madaxwaynaha Bangiga mudane baaja ginaa ayaa warmurtiyeed uu maanta soo saaray kusheegay in Bangiga Ganacsiga itoobiya oo kaduulaya Tirada barakacayaasha dawlad deegaanada ay deeqda  muwaadiniinta barakacay ee deegaanada dalka uqoondeeyeen kuwareejiyeen koomishinka maaraynta hawlaha udiyaargaroowga masiibooyinka JDFI.

Madaxwaynaha ayaa Tilmaamay in ay barakacayaasha deegaanka soomaalida oo ah Tirada ugu badan ee gargaarka aadamino ubaahan ay ugu deeqeen 35.6milyan oo birr, deegaanka oromiyana 33.1 milyan, deegaanka shucuubta koonfureed ee itoobiyana 18milyan,deegaanka amxaarada 4.7milyan,tigraay 3.9 milyan, benishaangulgumuz 3.2milyan,Gambella 454 kun oo birr,ismaamulka diridhabana ay ugu deeqeen 387 kun oo birr halka ay deegaanka hararida 62kun oo birr ugu deeqeen.

Dhanka kale, Madaxawaynaha bankiga Mudane baaja ginaa oo warmurtiyeedka ku cadeeyey inay dhawaanahan bateen shaqsiyada warbaahinta baraha bulshada kushaacinaya wararka beenta ah ee odhanaya bangiga ganacsigu muwaadiniinta barakacayaasha ah kamadamqanayo islamar ahaantaana ay dacaayadahani waxyeeleeyeen aaminaadii uu bangigu kudhex lahaa shacabka dalka, ayaa Tilmaamay inay deeqdani soocelinayso magacii iyo sharaftii uu bangiga ganacsiga itoobiya ulahaa bulshowaynta dalka.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu bangiga ganacsiga itoobiya sii wadi doono taageerada shacabka islamarkaana ay dhawaan bilaabi doono nidaamyo dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada muwaadiniinta faa’iido uleh oo ay cadcadaan iyo cadaalad kudheehantahay.