WAREEGA 4aad EE TIROKOOBKA DADKA IYO GURYAHA…

390


1.MACNAHA TIROKOOBKA DADKA IYO GURYAHA
Tirokoobka dadka iyo guryahu waa Tirin xili kooban si heer Qaran ah, ama deegaan wadanka kamid ah lagu tirakoobo tirada dadka, dabeecadaha shacabka,arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha, tirada guryaha iyo waliba xaalada Guryaha iyadoo xogta lasoo uruurinayo,latabinayo,lafanqaynayo islamarkaana inta natiijada xogta si sax ah looqiimeeyo oo warbixin laga diyaariyo ka faa’iidaystayaasha loo shaaciyo. xogta Tirakoobkana waxaa laga heli heer tuulo ilaa heer Qaran.
2.SABABTA LOOGU BAAHDAY WAREEGA 4AAD EE TIROKOOBKA DADKA IYO GURYAHA
Wadankeena ilaa hadda waxaa kaqabsoomay 3 tirakoob oo heer qaran ah iyadoo kii koowaad uu qabsoomay 1976 T.I kii labaad uu qabsoomay 1987T.I halka kii sedexaadna laqabtay 1999T.I.Hadaba mudadii udhaxaysay xiliyada Tirada dadwaynaha waxaa kuyimid isbadalo balaadhan oo dhinacyada dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada laxidhiidha.sida darteed sixogtii tirokoobkii dadka iyo guryaha ee sanadkii 1999kii looga dhigo mid casri ah isbadaladii jirayna loo qiimeeyo ayeey muhiim noqotay in lasoo ururiyo xog tayo leh oo faaiido uleh dabeecadaha bulshada ee mustaqbalka arimaha bulshada iyo dhaqalaha ka dhigaysa mid la isku halayn karo oo wakhtiga lasocota ayaa loo baahday in 29 bisha megabit ee sanadka 2011 la qabto wareega 4aad ee tirokoobka iyo dadka iyo guryaha ee heer qaran
3 UJEEDADA TIROKOOBKA 4aad EE DADKA IYO GURYAHA
ujeedada ugu wayn ee tirikoobka dadka iyo guryaha ayaa ah in qorshayasha ladiyaarinayo, dajinta siyaasadaha, qiimaynta siyadaha bulshada iyo adeeg bixinta warshadaha iyo waliba in wax looga badalo heer nololeedka muwadiniinta itoobiya ayaa waxaa loola Jeeda in la helo xog lagu kalsoon yahay islamarkaana wakhtiga la socota oo bulshada la xidhaadha.

  1. FAA’IIDOOYINKA MACLUUMADKA TIRO KOOBKA 4aad ee DADKA IYO GURYAHA LEEDAHAY.
     fidinta iyo gaadhsiinta siyaasadaha iyo qorshayaasha dib loogu habaynayo tayada waxbarashada
     fidinta iyo gaadhsiinta siyaasadaha iyo qorshayaasha dib loogu habaynayo tayada Adeeg bixinta caafimadka
     in la diyaariyo lana fuliyoqorshayaal lagu dabagalayo nidaamyada shaqo abuurka muwadiniinta loogu samaynayo
     in lasoo saaro siyaasado iyo qorshayaal xal waara unoqda masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameega ah, gaar ahaana saamaynta abaaraha soo noqnoqda ee dalkeena.
     siyaadaha iyo qorshayaasha la iskugu dheeli tirayo koboca bulshada, khayraadka iyo xaalada deegaanka
     xaqiijinta horumarinta aasaasiga ee muwadiniinta (biyaha nadiifta ah, laydhka, isgaadhsiinta, jidadka, baahida guryaha ….iwm)iyo ka faa’iidaysiga cadaalada ku salaysan
     siyaasadaha iyo qorshayaasha ku aaddan in dadka laxaadka la’ iyo kuwa taageerooyinka da’da la xidhiidha u baahan ay u heli lahayeen ka faa’iidaysiga arimaha bulshada iyo kobaca dhaqaalaha islamarkaana ay u muujin lahayeen ka qaybgal la mid ka dadka kale
     xogta tirokoobka dadka guryuhu waxay ahmiyad wayn u leedahay istaatijiyaha,siyadadaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo ganacsiga, maalgashiga iyo adeegyada warshadaha.
    5.GOORMA IYO SIDEE AYUU UDHACAYAA TIROKOBKA 4aad ee DADKA IYO GURYUHU
     Tirokoobayaashu iyagoo ku hubaysan qalabka tirokoobka oo ku hagmaya khariirad ayey laga bilaabo 27- 29 Megaabit tagayaa guri ka guri,waxayna bilaabi xog uruurintooda ugu horaysa,kadibna ku bilaabi diwangalinta guryaha, qoysaska iyo Hay’adaha
     Tirokoobku wadanka oodhan miyi iyo magaalaba u halmaalin 29 megaabit 2011T.I, ayuu iyadoo loo adeegsanayo aladaha xog uruurinta iyo diwaan galinta bilaamin megaabit 29- 20 miyaaziya 2011T.I.waxaana tirokoobka xogta laga soo ururin guri ka guri.
  2. DIWAANKA IYO DULUCDA XOG URURINTA TIROKOOBKA 4aad ee DADKA IYO GURYAHA
    B.HAWLAHA XOG URURINTA DADKA
     jinsiga, da’da, diinta, afka hooyo iyo qoomiyada
     waxbarashada, xaalada laxaadka, guurka iyo xaaladaha shaqada
     dumarka qoyska katirsan, kuwa wax dhalay iyo tirada caruurtooda
     dhalaanka iyo dhalinyada waalid kood dhinteen
     Xaalada Geerida qoyska ku timid.. iwm ayaa xogtooda lasoo ururin
    T. HAWLAHA XOG URURINTA GURYAHA
     Nooca iyo da’da guriga
     Gidaaarka guriga, khafiska , bilifoomka iyo dulsaarka gurigu waxa ay ka amaysan yihiin
     Tirada qololka gurigu ka kooban yihiin
     Nooca suuliga iyo jikada guryaha
     Nooca xaabada iyo laydhka qoysku isticmaalo
     meesha uu qoysku biyaha ka helo
     waxaa iyadana losoo ururin xogaha sheegaya in gurigu leeyahay idaacad, Telefishin,Telefoonka caadiga ah… iwm.
    7.CIDDS LA TIROKOOBAYO WAA AYO?
     dadka guryaha caadiga ku nool
     dadka ,huteelada, isbitaalada iyo goobaha kale ee lagu noolado sida dugsiyada hoyga, kuwa korinta caruurta, xeryaha shaqalaha, xabsiyada, Goobaha cibaadada… iwm ku nool
     kuwa aan hoy lahayn(darb ijiifyada,kuwa masajida, kanisadaha. xabalaha iyo goobaha kale ee lamidka ah ku nool)
     Guud ahaan carruurta hadda dhashay, dadka xanuunsan ee sariirta jiifa, kuwa laxaadka la’, kuwa dhimirka maskaxda waxkaqaba,dadka waawayn, odayaasha,islaamanaha, dhalinyada rag iyo dumar iyo muwadiniinta wadamada kaleba waa la tirokoobi.
  3. BARNAAMIJYADA AY TAHAY IN TIROKOOBKA LAGU FULIYO
     qofwalba waa in la tiriyo
     qof walba waa in hal mar oo kaliya la tiriyo
  4. XILIGA TIROKOOBKA TIROBAYAASHA IYO LA TIROKOOBAYAASHA MAXAA LAGU KALA SAARI?
     Shaqaalaha wax tirinaya waa inay wataan baaj iyo warqad cadaynaysa inay tirokoobayaal yihiin.sidoo kale waa inay xidhan yihin koofiyada boorsadaha,foomka,jaldiyada iyo calaamada komishanka tirokoobka. Qofkii aan calaamadahan wadan ee shaqalaha tirokoobkaan ahay leh waa in si dhakhso ah cida ay khusayso ee sharciga loo ogaysiiyo.
  5. TAAGEEDA SHACABKA EE HIRGALINTA TIROKOOBKA
     in xiliga ay tirokoobayaashu guryaha yimaadaan looga jawaabo su’aalaha ay ku waydiiyaan,raalina ka tahay.
     Su’aalaha ay ku waydiiyaan maadama ay gashi u yihiin dhismaha wadanka iyo siyaasadaha iyo qorshayaasha horumarineed waxaa loo baahan yahay inay bulshadu sidaa u fahanto oo aad xogta ugu saxan siisan.
     fursad walba oo aad heshaan waxaa Muhiim ah inaad ujeedada iyo faa’iidada tirokoobka u sheegtaan dariskiina iyo saaxiibadiin, gaar ahaana bulshada aan waxbaran inaad siyaabo kala duwan fariimaha tirokoobka fahan buuxa uga siisaan isla markaana aan wajibaadkeena qaran kasoo wada baxno ayaa Muhiim ah.
    Dhamaanteen Hirgalinta tirokoobka dadka iyo guryaha iska kaashano!