Goolhaye Thibaut Courtois Oo Eden Hazard Ugu Baaqay Real Madrid Iyo Taageerayasha Chelsea Oo Uu Wali Ka Cadhaysiinayo

395

Goolhayaha xulka qaranka Belgium iyo kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa wali halkiisa ka sii wada in uu ka cadhaysiiyo taageerayaasha kooxdiisii hore ee Chelsea kadib markii uu Eden Hazard ugu baaqay in uu Real Madrid kula soo biiro.
Thibaut Courtois ayaa doonaya in Eden Hazard uu maro isla dariiqii uu sanadkii hore maray ee uu Real Madrid ugu biiray kadib markii uu iska diiday in uu wax heshiis cusub ah u saxiixo Blues laakiin Courtois ayaa sheegay in aanu isagu arintan go’aamin karin.
Eden Hazard ayaa u waalanaya Real Madrid iyo sidii uu Zidane ula shaqayn lahaa laakiin maamulka Chelsea ayaan doonayn in xidiga reer Belgium uu kooxdooda ka baxo maadaama oo ay wali la kulmeen ganaaxa dhinaca suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ah.
Thibaut Courtois oo u waramayay Onda Cero ayaa sheegay in aanu isagu kala ogayn haddii uu Eden Hazard doonayo in uu Real Madrid ku soo biiro isla markaana aanu hubin haddii ay maamulka kooxdiisu la soo saxiixanayaan balse waxa uu iray in ka saaxiib ahaan uu jeclaan lahaa in uu Eden Hazard kula soo biiro Madrid.
Goolhaye Thibaut Courtois oo ka hadlaya wararka Madrid ee Eden Hazard ayaa yidhi: “Anigu ma ogi haddii ay Real Madrid doonayso in ay isaga la soo saxiixato, mana ogi haddii uu isagu doonayo kooxda, aniga ahaan isagu waa ciyaartoy fiican, laakiin anigu arimahaas ma go’aamiyo”.
Laakiin Thibaut Courtois oo qiraya in uu doonayo in Hazard uu Madrid kula soo biiro ayaa yidhi: “Mid kastaaba isaga ayaa go’aamiya waxa uu noloshiisa ka samaynayo. Aniga ahaan isagu waxa uu ii yahay mid ka mid ah kuwa aduunka ugu fiican isla markaana ka saxiib ahaan waxaan jeclaan lahaa in uu halkan joogo”.
Eden Hazard ayaa meel sare kaga jira liiska ciyaartoyda ay Zinedine Zidane iyo Florentino Perez doonayaan waxaana la sheegay in dalabkii ugu horeeyay ay Chelsea soo diiday by Daahir cali