Shirkii Xisbiga Dimoqraadiga Soomaalida iyo argtidad dadweynaha

316

Waxaa maalinkii shalay ahayd lagu so oaf jarey shir weynihii 10 aad ee xisbiga Dimoqraadiga Soomaalida oo ah xisbiga hogaanka talada deegaanka haya, kaasi oo mudo dhawr iyo labaatan sano ah xukunka deegaanka hayey isaga oo magacyo kala duwan soo marey sida Xisbiga Leegada Soomaalida Itoobiya, hadana waxa uu u diga rogtey Xisbiga  Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida  Itoobiya.

Walow xisbiga laga tirsanaayey hogaankiisii hore hagar daamooyin iyo dhibaatooyin baaxad leh oo dadka, duunyada iyo deegaankaba ku dhacey, waxa uu xisbigu bilaabey isbadalka ka dib isa si feyn, is nadaiifin iyo kala hufid dhexdiisa ah caqabado iyo rafaad badan ka dib waxa uu ku guuleystey in uu qabsado shir weynihiisii 10 aad oo la odhan karo waxa uu ahaa kii ugu dimoqraadisanaa uguna xorsanaa oo abid inta uu jirey qabsado.

Hadaba iyada oo isbadalkaas laga duulayo shabakada wararka deegaanka ee Somaliregiontv.net waxa ay wareysiyo iyo wada sheekaysi kala duwan la yeelatey bulshada qaybaheeda kala duwan sida odayada,culimada, dhalinyarada, aqoonyahanka iyo dumarka eek u dhaqan caasimada Jigjiga, waxaaney sheegeen fikrado isku dhaw iyo dardaaran ay madaxda sare ee xisbiga u soo jeediyeen waxaaney aragtidoodu ahayd marka la isku soo kobo sidan:

Dhamaan ama intooda badan waxa ay aaminsan yihiin in shirkani ahaa lama arag iyo lama maqal oo si hufan oo heer sare ah u dhacey aadna way u bogaadiyeen inta soo diyaarisayna waxa ay u rajeeyeen horumar iyo badhaadhe in ay ummada Soomaaliyeed u horseedaan Ilaahayna ka abaal mariyo.

Waxaa kale oo ahayd aragtid isku dhaw ka bixiyeen qaabka gudiga fulinta iyo gudiada golaha dhexe loo soo xuley oo ay sheegeen in aan aad loo tix galin hab beeleedka ina daashadey waana talaabo u baahan bay yidhaahdeen in la sii hour mariyo oo hufnaanta, aqoonta, kartida iyo daacadnimada la siiyo mudnaanta.

Dhinaca kale waxa ay dardaaran u soo jeediyeen hogaanka sare ee xisbiga oo wxa ay ku la taliyeen in:

Gaar ahaan madaxweynaha oo hawl fulinta xukunka matalaya uu ka barto ayey yidhaahdeen mudadii uu maamulkiisu shaqeenaayey sida ay  golihiisa wasiiradu u kala karti iyo daacad sanaayeen, cidii wanaag sameysayna la abaal mariyo cidii musuq iyo eex lagu tuhmayana dayrka la dhaafiyo.

Sidoo kale waxa ay aad uga shanqadhiyeen in ay hada fiicnaan lahayd in isku shaan dheyn la sameeyo oo uu hogaanka sare ee xisbigu u soo xusho marxaladan dad la jaan qaadi kara.

Talooyinka waxaa kale oo ka mid ahaa in mashaariicda horu marinta aad loo dedejiyaa mudnaanta la siiyaa gobol kasta waxa uu ku liito ee la rabo in kor loo soo qaado, sida wadooyinka laamiga ah, Cusbitaalada,horu marinta miyiga oo aad loo gaadhsiiyo meelo ay ka heli karaan biyo nadiif ah iyaga iyo xoolohooduba, tayeynta iskuulada iyo dhiiri galinta shaqo abuurka kala duwan.

W/Diyaariyey: Xasan Ciise- Jigjiga