Madaxwaynaha deegaanka oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay waraabinta SRTV.

207

Madaxwaynaha deeganka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar oo warbaahinta SRTV xafiiskiisa ugu waramayay Ayaa ka hadlay arimo kala duwan wareysigaas oo taabanaayey dhinacyo badan ayuu madaxweynuhu kaga hadley shirkii Xisbiga,nabad galyada xisbiyada siyaasada iyo arimo kale.

madaxwaynaha ayaa ugu horaynayntii ka hadlay sidii quruxda badnayd ee uu ku dhamaaday shirwaynihii 10aad ee XDS iyo xubnaha loo xulay hogaaminta xisbiga.

madaxwaynaha ayaa ka hadlay arimo muhiim ah shacabka deegaankana ugu baaqay in ay adkaystaan nabad galyada iyo xasiloonada ka jirta deegaanka islamarkaana ka foojig naadaan shakhsiyaadka wata dano gaar ahaaneed oo ay ku kicinayaan bulshada qaar ka mid ah, islamarkaana isku dhuftaan beelaha walaala ah ee soomaalida shakhsiyaadkaasi oo wada danno siyaasadeed, qandaraas, ama hunguri doon ah kuwaas bulshada u sii kala qayb qaybinaya qabyaalad iyo beelo kuwaas oo dantooda mooyee aan marna xeerin waxa ummada ka dhaxeeya.

Madaxwaynaha Waxaa kaloo uu sheegay in Ururada ama Xisbiyada siyaasada kuwa cusub iyo kuwa soo jireenka ahba inay ka waantoobaan in ummada caadifada qabiilka ku milaan ama siyaasada loo adeegsado beelnimo taasi oo keeni karta khatar weyn.

ugu dambayntii madaxwaynaha ayaa sheegay in cafiskii dadkii dambiilayaasha ee qaarkood la saamaxey ay si khaldan u adeegsadeen dawladuna ayna ka fursanayn in dadkii dambiyada galay sharciga la horkeeno oo lala xisaabtamo.