Roobkii Guga oo maanta ka curtey gobolka Faafan.

337

Roobkii guga oo aad loo sugaayey ayaa maanta ka da’ey maanta meelo badan oo ka mid ah gobolka Faafan oo ay magaalo madax u tahay magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka Soomaalida.

Maalmahanba waxaa ka socday masaajida magaalada roob doon iyo Alla bari taasi oo ay culimadu qunuudaan salaad kasta dabadeed iyaga oo Ilaahay roob fiican in uu adoomihiisa ugu deeqo iyaga oo waydiisanaya.

Sida ay cadeynayaan wararka aan helayno roobka ayaa si wanaagsan ugu da’ay Banka Jigjiga ( Diida Waaleed) silsilada buuraha gureyska, Faafan, shabeeley iyo deegaano kale oo fara badan, kaasi oo aad loog diirsadey.