Itoobiya iyo Ruushka oo kala saxeexday heshiis Lagu fulinayo awooda tiknoolajiyada nukliyeerka

404

Dawladaha Itoobiya iyo Ruushka ayaa kala saxeexday  heshiis lagu fulinayo awooda tiknoolajiyada nukliyeerka, kaasi oo ka dhacey magaalada
Soji ee ku taala koonfur bari ee dalka Ruushka , heshiiskan ay wada galeen labada dal ayaa ku aaddan isticmaalka aaladaha tiknoolajiga nukliyeerka ee loo  adeegsado dhinacyada Wax soosaarka beeraha,warshadaha iyo caafimaadka.

Wasiirka wasaarada Hal abuurka iyo Tiknoolajiga ee JDFI Dr eng.Getahun Makuriya ayaa Sheegay in heshiiskani uu ahmiyad balaadhan u leeyahay dhanka aaladaha casriga ah ee Qaliinka aadamaha iyo  caafimaadka loo isticlaayo oo marba marka ka danbaysa sii kobcaya, iyadoo Itoobiya hadda kadib qaliinka cudurada iyo dhaawacyada dadka soo gaara u isticmaali doonto Tiknoolajiga nukliyeerka loo yaqaano oo wadanka Ruushka laga keenay ayuu yidhi Wasiirku.

Eng.Getahun ayaa sidoo kale sheegay in hshiiskani uu Waxtar wayn u leeyahay in laga gudbo dhismayaasha waaweyn ee warshadaha dalka oo ku tiirsan Quwada biyaha laga dhaliyo,iyadoo aaladani nukliyeerku ay Waxtar wayn uleedahay dhalinta quwada aaladaha casriga ah.

Wasiirka oo kaqayb galay Bandhig carweedka 11aad ee caalamiga ah ee “Atom Expo” ee ka socda Magaalada Soji ee dalka Ruushka ayaa heshiiska la galay Agaasimaha guud ee shirkada dhalinta Tamarta  atomiga ee dalka Ruushka Jeneraal Alex Leccajev.

Heshiiskan ayaa lasheegay inay Itoobiya u adeegsan doonto Casriyeynta Wax soosaarka beeraha,Casriyeyna adeeg bixinta caafimaadka, maal gashiga Warshadaha…iwm.