kuliyada farsamada iyo xirfadaha ee degmada Aw barre oo la dhagax dhigay.

171

masuuliyiinta xafiiska tababarada,farsamada iyo xirfadaha ee Dawlada Deegaanka Soomaalida oo ay wehelinayaan mas’uuliyiinta gobolka Faafan iyo kuwa degmada Aw barre ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay kuliyada farsamada iyo xirfadaha ee degmada Awbarre.

Kuliyadaas ayaa deegaankaas dadka ku dhaqani aad baahi weyn ugu qabeen waxaanay u soo dhaweeyeen si kal iyo laab ah, mas’uuliyiintii ka socotey heer deegaan kuwa gobolka, kuwa degmada iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Aw barre ayaa xaflada dhagax dhigaas hadalo qiimo leh ka soo jeediyey.