Magaalada Jigjiga oo bilaa laydh ah Maanta.

538

Magaalo madaxda dawlad deegaanka Soomaalida ee Jigjiga ayaa mudo ka badan dhawr iyo toban saacadood oo maanta iyo caawaba ah Korontadu ay ka maqan tahay, dhibaatan ayaa bilaabantey xalay saqdii dhexe maanta duhurkii ilaa casarkii mudo aan ka badneyn laba saacadood ayey hadana soo noqtey.

Ilaa imikadan oo ay saacadu sii caga cagaynayso 8:11 PM wax korontaa magaalada badankeedu ma laha, dhibaatadan ayaa ah mid soo noqnoqoneysey baryahan ilaa iyo hadana kama hadlaan mas’uuliyiinta shirkatada korontada Itoobiya oo maamula gaadhsiinta quwada korontada magaalooyinka dalka.