Socdaalka nabada Dhalinyarada Ummada Kuushka oo soo gaadhay Jigjiga.

149

Waxaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga dhalinyar ka socotey ummada Kuushka oo ah dhalinyarada deegaanada Oromada,Canfarta, iyo deegaanka shucuubta koonfureed.

Waxaana duleedka magaalada Jigjiga si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay dhalinyarada deegaanka Soomaalida ee caasimada deegaanka Soomaalida

waxaana la filayaa in mudada ay joogaan caasimada deegaanka ee Jigjiga ay kulamo lagaga hadlayo adkaynta nabada iyo wada noolaanshaha qowmiyadaha la yeelan doonaan dhalinyarada deegaanka.

Hadii is dhax gal noocan ah uu yimaado waxa uu wadada u xaadhi karaa in shucuubtaasi si nabad ah ku wada noolaadaan, dedaalada nabada ee la wadanaa noqdaan kuwo midho dhal ah.