Shir weyne ku dhax maraya Soomaalida iyo Oromada magalaada Adaama.

232

Madaxa xafiiska xidhiidhka arrimaha dawlada ee deegaanka Oromiya ayaa sheegay in shirwayne lagu sii xoojinayo midnimada iyo walaalnimada labada shacabk ee Soomaalida iyo Oromada ayaa ka furmayo magaalada Adaama (Haadaamo) ee deegaanka Oromiya.

Madaxa xafiiska Xidhiidhka arrimaha dawlada Oromiya Admaasu Dhamte ayaa tilmaamay in ujeeda shirweynaha Soomaalida iyo Oromadu yahay sii xoojinta walaalnimada,nabad galyada iyo dhisida hawlaha qaranimada ee labadada shacab.

Fagaarahan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigi doona dhaqanka soo jireenka ah ee midnimada labada shacab iyo isbadalada horu marineed ee Soomaalida iyo Oromada.

Mudane Admaasu ayaa Cadeeyey in khilaafkii ka dhex jiray labada qowmiyadood uu ahaa mid ay dhaliyeen shakhsiyo ku caan baxey dul saarnimda oo danahooda gaarka ah laga taabtay ama dano shakhsiyeed watay, isla markaana soohdimaha deegaanada sabab ka dhiganaayey, iyadoo arrintan sababtay dhimasho, burbur hanti iyo bara kicinta muwaadiniinta labada deegaan.


Aadmaasu ayaa sidoo kale, sheegay in hogaaminta isbadashey ee labada deegaan oo kaashanaya dawlada dhexe ay meesha ka saareen khilaafkii ka dhex jiray labada ummadood.

Sidoo kale shirweynahan ayaa la sheegay inuu ahmiyad wayn u leeyahay isku xidhka horumarka iyo maamulka suuban ee labada shacab.

shirkan ayaa la cadeeyey in lagu soo saarayo qorshayaal si dhakhsa ah loogu celinayo bara kacayaasha Soomaalida iyo Oromada, isla markaana lagu abuurayo xaalad nabad galyo oo la isku halayn karo.

Mas’uulkan ayaa tilmaamay in kulankan lagu dajinayo xeerar ku qotama horumarinta aas-aasiga,cadaalada iyo nidaamyada maamulka suuban isla markaana uu shirkani aas-aas u yahay nabadaynta iyo iscafiska shacabka labada deegaan.

Dhanka kale, hogaanka sare ee deegaanka Oromiya ergooyinka deegaanka Soomaalida ku soo dhawaynaya Magaalooyinka Harar,Baale iyo Boorana.

Sidoo kale, Admaasu Dhamte ayaa sheegay in shir weynaha lagu soo bandhigi doono daraasaado sii xoojinaya doorka ay labada shacab kul eeyihiin midnimada,taariikhda iyo hawlaha dhisida qaranimada, dhaqanka, luuqada,arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha

Madaxa xidhiidhka arrimaha dawlada Oromiya ayaa xusay inay shir weynaha Soomaalida iyo Oromada ee Adaama ka dhacaya ay ka soo qayb galayaan inka badan 2000 oo qof oo isugu jira Ugaasyada,Abaagadaha, odayaal dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka labada deegaan.

Waxaa xusid mudan in shirkani yahay ki ugu balaadhnaa ee labada qolo isugu yimaadaan tan iyo intii isbadalku ka dhacey Itoobiya labadoodana ay dhex mareen qulqulatooyin dhibaatooyin kala duwan sababey.