Dadweyanaha Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey go’aanka lagu laaley heshiiskii sadexda magaalo

149

Qaybaha kala duwan ee bulashada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dawlada deegaanka Soomaalida ayaa is bar bar taagey kuna tilmaamey go’aan geesinimo leh kaasi o ahaa laalida ama burinta heshiiskii sida khaldan u dhacey ee magaalooyinka Candhuufta, Cadeyto iyo Garba-Ciise.

Waxaana aqoon yahano iyo siyaasiyiin hore iftiimiyeen in heshiiskaasi awalba baal marsanaa dastuurka federaalka iyo xeeraka deegaanka Soomaalida khiyaamo weyna ummada Soomaaliyeed loo maleegey.

Waxaanay ka digeen in aan la is dhigin oo fagaarayaal badan lagaga dhaadhiciyo sidii u khalad u ahaa go’aankaasi, gaar ahaana waa in xil la iska saaro ayey yidhaahdeen sidii looga dhaadhicin lahaa qowmyadaha kale ee Itoobiya.

dadweynaha caadiga ayaa iyaguna sheegey in ay xukuumadooda ku garab taagan yihiin go’aankaas taarikhiga ah ee ay qaadatey.