Dawlada Itoobiya oo shaacisey dadka dhibaatada ka sameeyey dalka

175

Dawlada Itoobiya ayaa cadeysey in 2,517 qof ay k amasúul yihiin dhibaatooyinki dalka ka dhacey labadii sano ee aynu soo dhaafney, sida lagu sheegey war ka soo baxey xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ku dhawaad 1,300 oo qof ayaa la hor keenay cadaalada iyo qaanuunka sida uu sheegey Nigusu Tilahun, oo ah madax warbaahinta xafiiska ra’iisal wasaaraha.

dadka ayaa qorsheeyey, ama qaabeeyey ama hogaamiyey khilaafaadkii iyo dhibaatooyinkii dalka ka dhacey, kuwaas oo sababey dhimash, kumayaal qof, baka kaca muwaadiniin tiro badan iyo bur burinta hantida ummada oo kala duwan.

Dawaladu waxa ay ilaa hada dib u dejin u sameysey in ka badan  875, 000 oo qof oo barakacayaal ah sida uu sheegey Tilahun.