Xaaji Cabdi Waraabe oo geeriyoodey

124

Allah ha u naxariisto Waxaa maanta magaalada Hargeysa ku geeriyooday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo ahaa xildhibaanka ugu da’ada weyn Golaha Guurtida Somaliland.

Marxuumka oo ahaa mudanaha ugu da’ada weyn Golaha Guurtida ayaa da’adiisa lagu qiyaasay inay ka badan tahay 100 sano.

Wuxuu ahaa hogaamiye dhaqameed ka qayb qaatay soo afjarida colaadihii u dhaxeeyey beelaha Somaliland 1990-maadkii.

Geerida Marxuumka ayaa si weyn looga dareemay magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Gobolada Somaliland, iyadoo dad fara badan ay buux dhaafiyeen gurigiisa oo ku yaala Hargeysa si ey tacsida u gutaan.

Xaaji Cabdi Ilaahay ha u naxariistee waxaa maant alagu aasayaa magaalada Hargeysa dhamaan madaxda Soomaalida aya aka tacsiyeeyey geerida Xaajiga.

Xaaji Cabdi ayaa wuxu ifka kaga tagey dad aad u tiro bdan oo ah waxa uu dhalay waxa ay sii dhaleen.