Wafdigii Somaliland oo la kulmey madaxweynaha DDS.

161

Wafdi ka socday maamulka Somaliland oo maalhaman ku sugnaa magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka Soomaalida ayaa manata la kulmey madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida mudane Mustafe Muxumed Cumar.

wasiirka biyaha dawlada deegaanka Soomaalida Bashiir Shaafi Cumar aya sheegey in ay ka wada hadleen sidii magaalooyinka deriska ah u wadaagi lahaayeen biyaha waxaa kale oo jira xidhiidh dhinaca jaamacadaha ah ayuu yidhi.

Sidoo kale wasiir Sulaymaan Cali Koore oo Somaliland ka socday ayaa sheegey in ay waxyaabo badan ka wada haldleen sidii la iskaga kaashan lahaa waxaana ugu muhiimsan dhaqaalaha, waxbarshada, caafimaadka iyo iskaashiga dhinaca amniga.