Buug ka hadlaya halgankii ONLF oo Jigjiga lagu soo bandhigey.

135

Waxaa habeenkii xalay lagu soo bandhigay magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka Soomaalida buug taariikheed ka hadlaya halgankii ay so ogashay Jabhada ONLF, goobta buugaas lagu soo bandhigaayey aya awaxaa soo buux dhaafiyey aqoonyaho,siyaasiyiin, xubno ka  mid ah jabahada iyo wax garad kale.

Qoraaga buuga  Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegey in ay buugan ay ku duugan tahay taariikh qaydhiin taasi oo uu uga jeedo in uu dhacdooyinkii u soo gudbiyey sidooda isaga oo aan wax faalo ama falanqayn ah ku darin, waxaa uu intaas ku darey in buugani tix raac u noqon doono cid kasta oo rabta in ay waxa ka qoraan deegaanka iyo halgankii ONLF.

waxaa uu Xuseen intaas raaciyey in buuga aaney ku qoreyn tacadigii ka dhacey Jeel Ogaadeen iyo  dhacdooyinkii sanadkii 1994 kii.