Wafdii uu hogaaminayo gudoomiyaha bariga Hararge ee Oromiya oo Jigjiga lagu soo dhaweeyey

332

Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka bariga Hararge ee deegaanka Oromada ayaa si balaadhan maanta loogu soo dhaweeyay caasimada deeganak soomaalida ee Jigjiga iyada oo lagaga hortagay masaafo dheer oo ah magaalada Baabile agagaarkeeda.
Waxaana halkaasi sida quruxda badan ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta gobolka Faafan oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha Gobolka iyo dad weyne kale oo fara badan.

Baryahan waxaa aad isku daba socda wafdiyada ka imanaya deegaanka Oromiya ee booqashada ku imanaya deegaanka Soomaalida, taasi oo muujinaysa sida dar dar galinta badan ugu socoto daadejinta nabada iyo xasiloonida.