Wakaalada Ilaalinta duur joogta DFI oo kulan la qaadatey dawlada deegaanka Oromada iyo Soomaalida.

178

Mas’uuliyiin ka socotey wakaalada ilaalinta duur joogta ayaa kulan la qaatey odyaal ka soctey deegaanka Oromiya iyo Soomaalida, waxaaney odayadaasi ka kala socdeen deegaanada Maya Muluqo, Baabili, Erer iyo Miidha, meelahan ayaa la sheegey in uu dhaqan yahay Maroodi tiro badan, waxaana cidhiidhi hada ku haya deegaanada dadka oo ku soo fidaya meelaha uu ku dhaqan yahay maroodigu.

Waxaaney odayada labada dhinac soo jeediyeen in dadka oo taryama uu faro ba’an ku hayaan duur joogta maadama uu sii kordhayo deenagada dadka, waxaaney u baahan tahay in daraaso cusub laga sameeyo ayey yidhaahdeen>

Ku xigeenka ilaalinta Duur Joogta Solomon Makonon ayaa sheegey in ay talooyinka ay odayadu soo jeediyeen ay sidooda u qaadan doonaan.