Wakaalada warbaahinta dawlada deegaanka Soomaalida oo is badal balaadhan laga sameeyey.

250

Wakaalada warbaahinta dawlada deegaanka Soomaalida ayaa isbadalo waaweyn oo dhinayco badan ah ay ka socdaan tan iyo intii isbadalku ka dhacey wadanka.

Isbadalada waaweyn ee markaabaishaadu qabanayso waxaa ka mid ah bilicda deegaanka ay wakaaladu ku taalo oo wax weyn laga badalay  maalmahan, gaar ahaan xaga dhireynta iyo dib u habeyn balaadhan oolagu sameeyey dhismayaasha wakaalada.

Cabdi Cumar oo ah tafatiraha guud ee wakaalada ayaa isaga oo ka war bixinaya isbadalada lag sameeyey sheegey in waagii hore lagu biaabay wakaalada Jigjiga FM 99.1 mar danbena lagu darey telefishanka iyada oo hadana la cusboonaysiiyey dhamaan qalabka ay wakaaladu ku hawl gashosida: kaameeradaha satellite –ka iyo dhamaan qalabka ku shaqeeya numbers –ka (digital news).

Waxaa sidoo kale waxa weyn laga badaley ayuu yidhi bilicda deegaanka wakaalada oo dhireyn iyo dib u habeyn lagu sameeyey wakaalada.

Waxaa isbadalkaasi hir galay intii maareeyaha guud ee wakaalada loo magacaabey Cabdirisaaq Aadan Cadheys, waaxaaney shaqaalaha wakaaladu isku raacsan yihiin in ay hada noqotey deegaan laga shaqeyn karo halaka ay waagii hore ka ahayd meel wada qabyo ah oo aan xataa lahayn meel lagu nasto