Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta Adis Ababa Gaadhey

157



Madax weynaha Soomaaliya Maxmed Cabdilaahi Maxamed ayaa maanta booqasho ku tagay caasimada Itoobiya ee Adid Ababa, waxaana markii uu gaadheyba isaga iyo xaaskiisu ku beereen geed xarunta madaxtooyada Itoobiya.

Waxaanu wada hadal la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr.Abiy Axmed oo ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal u dhaxeeya, iskaashiga nabada iyo horu marka labada ummadood

Waxaa kale oo lagu balamey in wax kasta oo caqabd ku ah xidhiidhkooda ganacsi meesha laga saaro, waxaa xusid mudan in ra’iisal wasaaraha Itoobiya booqdey Soomaaliya bishii juun sanadkii hore 2018kii.