Shir lagaga hadlaayey halista shilalka baabuurta oo Jigjiga ka dhacey

185

Kulan lagagaga hadlayey halista shilalka gaadiidka ayaa ka dhacay caasimada DDS ee Jigjiga.

Kulankan oo uu hogaaminayay madaxweyne kuxigeenka dowlada deegaanka Soomaalida mudane Aadan Faarax Ibraahim ayaa waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiinta xafiiska maamulka dawlada deegaanka Soomaalida xafiisyada ay khusayso arintaasi sida xafiiska ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha dawlada deegaanka Soomaalida gudiga booliska dawlada deegaanka Soomaalida xafiiska xeer ilaalinta guud iyo cadaalada dawlada deeganka Soomaalida.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyey sidii loo xakamayn lahaa loogana hortagi lahaa halista shilalka gaadiidka iyo waliba sidii loo xoojin lahaa taaba galinta sharciyada xakamayn kara gaadiidka tayadooda dirawalinta iyo waafajinta sharciga kuwa gala fal danbiyeedyo.

Kulankan ayaa si xoogan loogaga hadlay wada shaqaynta xafiisyadan sidii loo xoojin laha lays kuguna xidhnaan laha hawalah ka hor taga shilalka gaadiidka, kuwaas oo barhan danbe soo noq noqdey.