Wasiirka Maaliyada Itoobiya oo ka war bixiyey lacag badan oo wasaaradiisu soo xereysey

329

Wasiirka Maaliyada Itoobiya ayaa sheegay in 10kii bilood ee la soo dhaafay uu dalku soo xereeyey2.1 Bilyan oo doolar.

Wasiirka Maaliyada JDF Itooobiya Axmed Shide ayaa Cadeeyey in Amaahda dalku bixiyey 10kii bilood ee la soo dhaafay ay hoosayso.

Wasiirka wasaarada Maaliyada iyo iskaashiga dhaqaalaha JDFI oo Golaha baarlamaanka dalka ka soo horjeediyey warbixinta 10kii bilood ee la soo dhaafay ayaa sheegay inkastoo ay Itoobiya 10kii bilood ee lasoo dhaafay ay bixisay inka badan 9 bilyan oo birr ay haddana marka loo eego qorshaha wasaarada ay hoosayso.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in Itoobiya oo lagu leeyahay 27 bilyan oo doolar ay Wasaaradu horaantii Sanad Miisaaniyadeedka Wasaaradu Qorshaysay in Toban bilood ee hore ee sanadka 2011T.I ay dawladu bixiso 14.2 Bilyan oo birr, Hase yeeshee lagu guulaystay in labixiyo 9.4 bilyan oo birr.

Wasiirka Maaliyada Itoobiya Mudane Axmed Shide Muxamed ayaa Warbixinta ku cadeeyey in Marka lacagta la bixiyey loo eego qorshihii yaalay ay noqonayso 66%.

Wasiirka ayaa in habsanka ay keentay Fulinta Mashaariicda oo liidata,Sarifka lacagaha Qalaad oo kor ukacay iyo Sababo kale oo Lamid ah.

Dhanka kale, Wasiirka Maaliyada dalka Mudane Axmed Shide ayaa sheegay in 27ka bilyan ee Amaahda dibada ee dalka lagu leeyahay, 15.8 Bilyan lagu leeyahay dawlada federaalka Halka 11. 2da bilyan ee soo hadhayna lagu leeyahay shirkadaha horumarinta.

Golaha Baarlamaanka Itoobiya

Wasiirka ayaa warbixinta uu Golaha Wakiilada shacabka ka soo horjeediyey kusheegay in Amaahda gudaha ee dawladu lagu leeyahay ay tahay 731 bilyan oo birr, iyadoo dayntan 344bilyan dawlada dhexe lagu leeyahay, shirkadaha horumarintana lagu leeyahay 387 bilyan oo birr.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in nidaamka shirkadaha dawlada loogu badalayo shirkado Ganacsi uu dhaqaalaha wadanka wax wayn ku soo kordhiyey, isagoo wasiirku sheegay in shirkadaha dhaqaalaha soo xareeyey ay ka mid yihiin shirkada isgaarsiinta teleefoonada ee Ethio telecom, shirkada Maamulka Tareenada, shirkada wax soosaarka sonkarta, shirkada adeega gaadiidka badda iyo adeega guud..iwm.

Mudane Axmed shide ayaa inay Wisaarada Maaliyada dalku bilihii lasoo dhaafay Qabatay hawlo waawayn oo amaahda dalka lagu leeyahay lagu dhimayo islamarkaana lagu kobcinayo waxsoosaarka gudaha.

Wasiirka ayaa sheegay in Amaahda uu wadanka shiinuhu itoobiya kacafiyey, dib uhabaynta nidaamka dhaqaalaha, xiliga daynta ee uu shiinuhu inoo dheereeyeen iyo hawlaha ay itoobiya kaqabatay soo uruurinta dakhliga, dadajinta fulinta Mashaariicda, soo jiidashada maalgashadayaas

ha..iwm ay hoos udhintay Dhimista amaahda dibada iyo gudaha wadanka.

Wasiirka Mudane Axmed Shide ayaa Tilmaamay in bahwadaagta horumarintu ay Taageeero tiro iyo tayaba leh kagaysteen dhinaca kobaca dhaqaalaha.

Wasiirka ayaa sheegay in aduun lacageed oo kabadan 2 bilyan oo taageero ah ay dawladu ka keentay baanka aduunka, midoowga yurub, dawlaha faransiiska iyo Germanka islamarkaana ay khasnada dawlada ilaa hadda kusoo dhacday laba bilyan oo birr.

inta hartayna lawado sidii sanadka dambe loo soo xarayn lahaa.

Axmed shide ayaa sidoo kale sheegay in ay S.M 2011ka Qorshaysnay in bahwadaagta Maaliyada ee Hay’adaha dibada laga soo xareeyo 4.5 bilyan islamarkaana 10kii bilood ee lasoo dhaafay lagu guulaystay in lasoo xareeyo 3. 5 bilyan oo doolarka Ameerika ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in Guud ahaan lasoo xareeyo 5.7 bilyan oo deeq iyo dayn ah lakiin lasoo xareeyey 4.7 bilyan oo birr.

Wasiirka wisaarada maaliyada iyo iskaashiga dhaqaalaha itoobiya Mudane Axmed shide maxamed ayaa warbixinta ku cadeeyey in iyadoo ay Qorshaysnayd shirkadaha horumarinta laga soo xareeyob 243milyan oo birr lakiin Qorshihii kor loodhaafiyey Qorshihii oo hay’adaha hormarinta 432 milyan oo birr.

Ugu dambayntiina, Gudoomiyaha gudiga joogtada ah ee dakhliga,miisaniyada iyo aerimaha dhaqaalaha Golaha baarlamaanka marwo lemlem hadhigu ayaa Saktarka dhaqaalaha ugu baaqday inay hawlaha bixinta Amaahda iyo koca dhaqaalaha si kago’naanshe leh looga shaqeeyo.