Golaha wasiirada Itoobiya oo ansixiyey miisaaniyada sanadeedka 2019/2020

432

Golaha wasiirada Itoobiya oo maanta kulmey kulankoodii 71aad ee caadiga ahaa aya alagu ansxiyey miisaaniyad sanadeed u dhaw 386.9 billion birr.

Miisaaniyad dhan 109.4 billion birr ayaa loogu talo galey in hawlaha lagu socodsiiyo,halka ay 130.7 billion birr ay ka tahay raasmaalka misaaniyada, waxaa loo qoondeeyey ismaamul goboleeyda miisaaniyad dhan 140.7 billion birr in lagu kabo, una sii socdaan hawlaha horu marineed ee dalka ka socda.

Golaha wasiirada ayaa nuqulka miisaaniyadan u gudbiyey golaha shacabka sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.