Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo Aksum gaadhey.

160

Ra’iisal wasaaraaha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa saka gaadhey magaalada Aksum ( Axum) ee gobolka Tigrey, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey madax weyne ku xigeenka gobolka Tigrey Dr Debretsion Gebremichael.

Inta uu Ra’iisal wasaaruhu ku sugan yahay Aksum waxa uu xalin doonaa dhibaatada ka  jirta jaamacada Axum, sidoo kale  waxaa uu wada hadal la yeelan doonaa bulshada ku dhaqan deegaankaas.