Madaxwaynaha DDS Oo kulan la yeeshay hogaanka dhaqanka ee gobolka Doolo.

181

Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe MuxumedCumar oo ku sugan xarunta gobolka Doolo ayaa kulan la yeeshay odayaal dhaqameedka Gobolka gobolaas, kuwaas oo ay ka wada hadleen arimaha dadka iyo deegaankaas ku saabsan.

Madaxwaynaha iyo odayaasha dhaqanka gobolka doolo ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa qorshayaasha horumarka,nabad galyada iyo maamulka suuban iyo guud ahaanba dardar galinta adeegyada bulshada ee gobolkaasi u baahan yahay.

Waxaa kale oo madaxweynaha iyo odyaashi ka wada hadlayaan tabashooyinkii ka jirey gobolkaas ee dhawaan ay dadku kaga cabanayeen maamulka cusub ee gobolkaas loo sameeyey.