Qalinjabinta Dufcadii 3aad Kuliyada Caafimaadka Ee Qabridahar

307

Xaflada Qalinjabinta Dufcada 3aad ee Ardayda Kuliyada Caafimaadka Maamulka Magaalada Qabridahar ayaa kadhacday Magaalada qabridahar

Waxaana Kasoo Qeybgalay Xaflada Maareeyaha Kuliyada Caafimaadka Ee Qabri Dahar Dr Maxamed Axmed Maxamed, Kusimaha Gudoomiyaha Qoraxey ahna Hogaanka Maamulkiyo Cadaalada Mudane Cabdi Sulub, mudane cabdifataax soofe.

Xaflada Qalanjabinta Oo Ka Dhacdey Hoolka Madasha Shirarka ee Kuliyada Caafimaadka Qabri Dahar

Dr Maxamed ahmed Maareeyaha Kuliyada Caafimaadka Qabridahar, Waxa uu Madasha Ka Sheegey Iney Kuso Beegantahay Qalanjabinta Kuliyada Caafimaadka ee Qabridahar Xili ay Dawlada Deganka Somalida ay Xooga Saartey Waxbarashada Caadiga ah, Waxuuna Ardeyda Qalnjabineysa Kula Dardaarmey Iney Bulshada ugu Adeegaan Lahaansho iyo Wadaniyad Si looga Miro Dhaliyo Siyaasadaha iyo Istaratijiyada Dalka iyo Deegaankaba ee u aadan dhinaca ka Hortaga cudurada,
Ugu Danbeyntii Waxa Madasha Soo Gunaanadey Masuuliyiin ay Ka mid yihiin Gdoomiyaha Gobolka Qoraxey ayna hambalyo iyo bogaadin uga jeediyeen ardeyda qabaljabineysey