Waa Maxay Sababta Ay Liverpool U Dooneyso In Philippe Coutinho Uu Sii Joogo Barcelona Kuna Biirn PSG, Man United Ama Chelsea?

475

Liverpool ayaa jeebka gashan doonta 9 milyan ginni haddii uu Philippe Coutinho sii joogo Barcelona xilli ciyaareedka soo socda, madaama ay qeyb ka aheyd sharuudaha heshiiskii ay ku iibiyeen xiddiga reer Brazil.
Liverpool ayaa u dagaalantay inay ceshato xagaagii ka horeeyay laakiin waxay qirteen guuldarro markii Barcelona ay ku soo dalbatay 106 milyan ginni kaash ah iyo lacago dheeri ah oo heshiiska ka dhigaya 142 milyan ginni.

Ilaa iyo haatan Liverpool waxay heshay 22.5 milyan ginni oo ka mid ah 36 milyan ginni oo lacagaha dheeriga ah iyagoo ku helay u soo bixitaanka Barcelona ee Champions League iyo kulamada uu saftay xiddiga reer Brazil.

Liverpool ayaa sharuudaha ay ku dartay heshiiska waxaa ka mid aheyd inay Barcelona bixiso 4.5 milyan ginni 25 kulan kasta oo uu Coutinho u safto Barcelona, sida ay qortay The Mirror

Coutinho waxa uu Barcelona u saftay ilaa iyo haatan 75 kulan, taasoo la micno ah in weli ay u harsan tahay 4.5 milyan ginni oo la siiyo Liverpool haddii uu gaaro 100 kulan.

Coutinho ayaa ka tagay Liverpool bishii Janaayo 2018 isagoo dhameystiray riyadiisa uu ugu wareegayay Catalonia.

Haddii Coutinho uu ka tago Barcelona xagaagan, Liverpool ma heli doonto lacagtaas, sidoo kalena ma heli doonto lacagtii ay ku heli lahaayeen marka ay Barca xaqiijisato u soo bixitaankeeda Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda.

Xiddiga reer Brazil ayaa loo soo iibiyay inuu bedel u noqdo Andres Iniesta laakiin waa uu ku hungoobay, iyadoo 27 jirkaan 75 kulan u saftay Barcelonan isagoo dhaliyay 21 gool iyo 11 caawin.

Mundo Deportivo ayaa sheegtay in PSG ay ugu cadcadahay saxiixa Coutinho waxaana uu qeyb ka noqon karaa heshiiska ay Barcelona ku soo ceshaneyso Neymar.