Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Waxyaabihii Ay Maanta Oo Jimce Ah Ka Qoreen Wargaysyada Yurub.

1348

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Jimce ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Laacib oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Laacib kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

Real Madrid ayaa gashay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Ajax Matthijs de Ligt xagaagan, laakiin waxay doonayaan in loo kala cadeeyo xaalkiisa, iyadoo xiddigaan lala xiriirinayo Barcelona, Juventus, PSG iyo Man United. (Daily Star)

Liverpool ayaa lagula taliyay inay u dhaqaaqdo saxiixa kubadsameeyaha kooxda Tottenhak Christian Eriksen kaasoo sidoo kale lala xiriiriyay xagaagan kooxda Real Madrid. (Daily Star)

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa digniin u soo saaray Jesse Lingard ka dib muuqaal anshax xumo ah uu soo dhigay Snapchat taasoo halis gelisay in laga ceyriyo kooxda. (Daily Mail)

Ku laabashada Neymar ee Barcelona ayaan weli u muuqan mid suurtogal ah inkastoo uu ciyaaryahanka si weyn u doonayo inuu mar kale ka garab ciyaaro Lionel Messi iyo Luis Suarez. (Daily Mail)

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa si maldahan u sheegay inuu lacag qarashgareyn doono suuqa kala iibsiga ee xagaagan. (Daily Mail)

Xiddiga kooxda Real Madrid Martin Odegaard ayaa lagu arkay Jarmalka iyadoo lala xiriirinayo inuu heshiis joogta ah ugu biiro Bayer Leverkusen. (The Sun)

Weeraryahanka reer Brazil Neymar ayaa weli raadinaya inuu ku soo laabto Barcelona, ma doonayo inuu mar kale u ciyaaro Paris Saint-Germain. (Sport)

Real Madrid ayaa dalab ka gudbisay Neymar iyagoo u soo bandhigay PSG 130 milyan euro iyo midkood Gareth Bale iyo James Rodriguez. (Mundo Deportivo)

Atletico Madrid ayaa ku dhow inay dhameystirto saxiixa weeraryahanka Benifca Joao Felix oo qiimihiisa uu gaarayo 120 milyan euro taasoo la micno ah in Man United ay seegi doonto saxiixa 19 jirka reer Portugal. (Evening Standard)

Dadaaladii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer ku doonayay inuu dib ugu dhiso kooxdiisa ayaa hakad uu ku yimid sababtoo ah Manchester United ayaa kooxaha ka careysiineysa dalabyo hooseeya oo ay ka gudbineyso xiddigaha diirada u saaran. (Evening Standard)

Solskjaer ayaa doonaya in Man United ay iibiso xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska Paul Pogba oo 26 sanno jir ah ka dib markii loo sheegay inuu heysto 100 milyan ginni uu garashgareeyo xagaagan. (Daily Star)

Manchester City ayaa ku dhow inay ku garaacdo Man United saxiixa daafaca Leicester City Harry Maguire oo ay ku iibsanayaa 65 milyan ginni, waxaana la filayaa in goor dhow uu tijaabada caafimaadka uu maro 26 jirkaan Ingariiska ah. (Daily Star)

Xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid Rodri ayaa doortay inuu ku biiro Man City bedelkii uu ku biiri lahaa Bayern Munich iyadoo 22 jirkaan uu City ugu wareegayo 62 milyan ginni. (Kicker)
Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa ku celiyay baahida uu u qabo inuu Camp Nou ku celiyo weeraryahanka 22 jirka ah Ousmane Dembele kaasoo ay xiiseyneyso Liverpool. (Daily Mirror)

Liverpool ayaa u dhaqaaqeysa saxiixa daafaca bidix ee kooxda Real Betis Junior Firpo oo 22 sanno jir ah iyagoo ku bedelaya daafaca bidix ee Isbaanishka Alberto Moreno oo 26 sanno jir ah. (Daily Mirror)

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Jorginho oo 27 sanno jir ah ayaan kula biiri doonin tababarihiisa hore Maurizio Sarri kooxda Juventus iyadoo tababaraha Talyaaniga uu ka doorbidayo Miralem Pjanic. (Daily Mail)

Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay si xor ah kula soo wareegto goolhayaha Eibar Asier Riesgo, iyagoo doonaya inay 35 jirkaan ka dhigtaan goolhayahooda seddexaad. (Manchester Evening News)

Xiddiga Leicester City James Maddison oo 22 sanno jir ah ayaa weydiistay inuu la kulmo tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer, iyadoo tababaraha reer Norway uu doonaya inuu xiddiga khadka dhexe ee England uu keeno Old Trafford. (Daily Star)

Everton ayaa wadahadalo la furay Chelsea oo ku aadan saxiixa Kurt Zouma oo ay doonayaan inay heshiis joogta ah kula wareegaan ka dib markii daafaca 24 jirka ah uu xilli ciyaareed amaah ah ku qaatay Goodison Park. (Telegraph)

Arsenal ayaa diyaar u ah inay 27 jirka Carl Jenkinson ku soo bedelayo daafaca dhexe ee Celtic Kieren Tierney oo 22 sanno jir ah. (Daily Star)

Juventus ayaa rajeyneysa inay dhameystirto saxiixa Adrian Rabiot oo ay kala soo wareegeyso PSG, 24 jirkaan khadka dhexe ayaa si xor ah uga tagaya caasimada Faransiiska. (Goal)

Granit Xhaka oo 26 sanno jir ah ayaa ku dhow in laga dhigo kabtanka Arsenal ka dib markii Atletico Madrid ay soo gabagabeysay xiisaheeda xiddiga khadka dhexe ee Switzerland. (Daily Star)

Liverpool ayaan dooneynin inay iibiso Divock Origi xagaagan inkastoo 24 jika reer Belgium ay hal sanno kaga harsan tahay qandaraaskiisa. (Liverpool Echo)

Claude Makelele ayaa la filayaa inuu door aan tababare aheyn ka qabto Chelsea ka dib markii xiddigii hore ee Blues uu ka tagay shaqadiisa tababare eekooxda Belgium ee Eupen. (Evening Standard)