RW Dr. Abiy oo magacaabey taliyayaasha ciidamada

239

R

Ra’isal wasaare Dr.Abiy Axmed ayaa maanta oo bisha june tahay 28, 2019 magacaabey saraakiil sare oo ciidanka Itoobiya ah.

Waxa uu u magacaabey Janaraal Adam Maxamed in uu noqto abaanduulaha ciidanka difaaca Itoobiya, Janaraal Adam waxaa lagu badaley Janaraal Seare Mekonnen oo uu diley ilaalidiisa sabtidii la soo dhaafey ee 22 june, 2019 ka.

Janaraal Adam waxa uu horey uga soo shaqeeyey taliyaha sirdoonka qaranka (NISS)

Sidoo kale waxaa Lieutenant Janaraal Mola Hailemariam loo magacaabey taliyaha ciidanka dhulka, waxaa kale oo RW magacaabey in Demelash Gebremichael uu noqdo agaasimaha guud ee NISS.