Maxay qabatey Dawlada Deegaanka Soomaalidu 10kii bilood ee aan soo dhaafney ?

752


Mudo toban bilood ah oo ay jirtey DDS oo uu hogaanka u hayey madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa waxybaaha u qorsheysnaa waxaa ka mid ahaa in ay hir galiso mashaariic horu marineed, kaabayaasha dhaqaalaha, mashaariic shaqo abuur, maamul wanaag iyo isku kalsoonida shacabka iyo dawlada in la abuuro.
Waa arimo waaweyn oo aaney dhici karin in mudo kooban dhamaan lagu wada hir galiyo, waxaa kale oo iska caadi ah in qorshe kasta oo dawladeed oo ay ku talo gasho in ay fuliso in ay ka hor yimaadaan caqabado kuwaas oo ah kuwo dhaqaale, kuwo bulsho, arimo siyaasadeed iyo kuwo amni intaba.
Hadaba waxaa la odhan karaa dawlada uu hor muudka u yahay madaxweyne Mustafe waxa aya hir galisay mashaariic waaweyn oo ay ku adag tahay maamulo kale in ay fulin kari lahaayeen, waxaana ka mid ah mashaariicda sida weyn loo arki karo markiiba:
Mashaariic horu marineed oo kala duwan oo gobolka laga hir galiyey tusaale ahaan waxaa la bilaabey dhismaha cusbitaalo waaweyn oo u adeegi kara boqolaal qof sida cusbitaalka gobolka Doolo ee laga hir galinayo magaalada Wardheer, cusbitaalka Garbo iyo tobanaan xarumo caafimaad oo laga hir galiyey degmooyin kala duwan oo gobolada deegaanka ka mid ah. sidoo kale waxaa jira wadooyin laami ah kuwaas oo laga hir galinayo magaalooyinka dhaxdooda kuwana ay isku xidhayaan gobolada iyo degmooyinka kawa duwan ee dalka.
Markii ugu horyesey taariikhda ismaamulka Soomaalida ayey hir galisay wasaarada waxbarshadu in ay qaado oo ay mas’uul ka noqoto imixaanka shaadiga ee dugsiyada sare lagaga baxo kaasi oo waayadii hore aan la aamin jirin waxbarshada deegaanka hadase ay noqotey in la ogaado in ay kaalintaas buuxin karaan.
Waxaa jira mashaariic shaqo abuur oo kumayaal dhalinyaro ah loogu sameeyey shaqo kuwaas oo loo maal galiyey qof walba wixii xirfadiisa ah ee uu codsadey, tani waxa ay aad uga duwan tahay dawladii hore ee inta ay baabuur qabaalo ah lacag ka buuxiso dad gaar ah uun u qaybin jirtey taasi oo xoolaha ummada dhawr qof ay sida ay doonaan ka yeeli jireen.
Waxa ay dawladu ku dadaashay in ay maamul wanaag u sameyso isla markaana ay si hufan ugu adeegto dadweynaha waxayna kuu sheegayaan dhamaan ama inta badan dadka hawli ka gasho xafiisyada dawlada in ay adeegooda ku helaan mudo kooban hadii waxa ay rabaan yahay mid waafaqsan sharciga deegaanka iyo kana dalkaba.
Waxaa abuurmey isbadal siyaasadeed kaasi oo muwaadin kastaa xor u yahay in uu taageero xisbiga uu rabo ama aragtida uu rabo iyada oo aanay jirin cid gaar ah oo ku xisaabinaysa ama ku qabsanaysa waxa uu rabo in uu aamino ama raaco muwaadinku.
Waxaa jirta maanta kalsooni ka dhaxeysa dadweyanaha iyo dawlada taasi oo waayadii hore shaki badan ku jirey oo labada dhinac ahaayeen kuwo kala aamin baxay oo aan marna isku iman kareyn, ha yeeshee maanta waxa ajira kalsooni la odhan karo labada dhinac way isku kalsoon yihiin.
Waa xaqiiqo jirta in qorshe kastaa oo la sameysto aanu u fulin sidii loogu talo galay waayo waxa sameeyey waa Bani Aadam khaldami kara saxmina kara waxa fulinayaana waa isla isagii khaladka lahaa, markaa adiga aragtidaada maxay kula tahay dawladu in ay ku guuleystey maxaase u baahan in la saxo? maa muhiim aragtidaadu walaal muwaadin in aad ka dhiibato fikradaad adiga oo iska ilaalinaya deel qaaf iyo meel ka dhac aad qof gaar ah ama hay’ad gooni ah u gaysato.