Dawladnimada iyo Musuqa

543


Waxaa iska caadi ah in inta la garanayo taariikhda bani Aadamka uu u jiri jirey musuq ama waxa is daba marin ha la kala badsadee, waana dhacdo caalami ah in aan maalin kasta maqalo mas’uul dawladeed oo lunsadey hanti ummadeed ama looga shakisan yahay.
Aduunka aynu maant aku nool nahay waxaa ka jira hay’ado u qaabilsan daba galka iyo la socodka dhacdooyinka musuqa ee caalamka ka dhaca, kuwaas oo darajooyin lagu kala siiyo dawladaha aduunka ka jira maanta, waxaana hay’adahaas ugu caansan transeparance International waxaa kale oo jira kuwo kale oo dawlad walb ay leedahay oo la socda sida ay waxa u socdaan ama dawladu u fuliso mashaariicda horu marineed iyo ilaalinta hantida ummada.
Hadaba waxaa jira wadamada ka hooseeyaa Saxaaraha Afrika in lagu tuhmo mar walba in ay yihiin kuwa ugu badan musuqa ee arintaas lagu dhaleeceeyo sax ha ahaato arintaas ama yaaney ahaane.
Marka aan u nimaado wadankeena iyo deegaankeena waxaan aad uga dharagsanahey in musuqu gaadhey meel aan la tilmaami karin tusaale ahaan dawladii Cabdi Maxamuud oo 10 sano deegaanka xukumeysay waxa ay shaqaaleysiiyey tobankaas sano 8,000 oo qof kaliya micnihii sanadkiiba waxa ay shaqaaleysiin jirtey hadiiba ay jirto 8,00 oo qof, halka dawlada maanta uu madaxweye Mustafe Muxemed hogaaminayaa ay mudo 10 bilood ah ku shaqaaleysiisey 20,000 oo qof, waana arin u dhiganta in bishiiba ay shaqaalaysiisey 2,000 oo qof, halkaa waxaa kaaga cad musuqa dawladii hore ragaadiyey inta uu le ekaa waxaana muuqata in aanay wax la’aanin jirin ee si xun waxa u maamuleysey.
Dawladii hore waxaa caadi ahaa in lacag baabuur laga buuxiyo dabadeedna la isaga qaybiyo si bilaa xisaab ah taasina ay ku dhici jirtey jeebka dadka nidaamka u adeega, halka maanta waxa walba qorsheysan yihiin sidii loogu talo galayna ay u socdaan. Waxaa halkaas inooga cad in musuqu aanu ahayn kaliya lacag si dhuumasho ah loo kala qaato ee waxaa musuqa ka mid ah habka dawladanimo ( Government System) oo la galiyo musuqa.
Hadaba muwaadin adu maxaad u taqaan musuq? ayaa sameeya? dadka dawlada u shaqeeya kaliya miyaa musuqa sameeya? dadweynuhu kaalin sidee ah ayey ku leeyihiin musuqa? waxaa aad loo sheegaa in dadka Soomaalida ahi ay ka qayb qaataan musuqa una sahlaan dadka dawlada u shaqeeya adu ma aaminsan tahay sidaa?