Xisbiga Dimoqraadiga Axmaarada (ADP ) ayaa ugu deeqey 5.4 M Birr si uu ugu taageero qoysaskii ku wax yeeloobey weerarkii 22 June.

229


Gudiga ADP ayaa ku dhawaaqey in ay siinayaan lacag dhan 5.4 million birr si ay ugu caawiyaan qoysaskii ku waxyeeloobey weerarkii 22 June ee aynu soo dhaafney ka dhacey Baxar daar ee gobolka Axmaarada.
Arintan ayaa lagaag dhawaaqey xusl loo sameenaayey qoysaskii ku wax yeelobey oo lagu qabtey hutelka Sheraton Addis taasi oo ay ka soo qayb galeen saraakiil sare oo ka mid ah gobolka Axmaarada.
Dhacdan waxaa joogey Demeke Mekonnen, oo ah gudoomiyaha ADP iyo ku xigeenka RW waxaanu ku wareejiyey deeqada lacagta ah oo dhane 5.4 million birr .
Maamulka magaalada Addis Ababa waxa uu ku balan qaadey in uu siinayo qoysaskaas dhul ay degaan.
Madax weynihii gobolka Axmaarada, Dr Ambachew Mekonnen, la taliyihiisii Ezez Wasie, iyo xeer ilaaliyihii guud ee gobolka Axmaarda ayaa lagu diley af ganbigaa fashilmey bishii hore.