Itoobiya iyo Shiinaha oo ku heshiiyey in ay iska kaashadaan dhinaca cadaalada.

1166


Wafdi uu hogaamanayo wasiir ku xigeenka cadaalada ee wadanka Shiinaha, Liu Zhenyu, ayaa wadad hadal kula yeeshey xeer ilaaliyaha guud ee Itoobiya, Berhanu Tsegaye magaalada Addis Ababa maalintii shalay ahayd .

Intii wada hadalka uu kula jirey xeer ilaaliyaha guud wafdiga Shiinaha waxa ay taageereen in ay maal galiyaan kaabayaasha dhaqaalaha ee kala duwan.
Waxaa sidoo kale uu war bixin kooban ka siiyey in qaybta cadaalada ee Itoobiya ay ku socoto dib u habeyn balaadhan, taasi oo looga gol leeyahay in looga hor tago eexda, musuqa, lacag cadeynta iyo ka hor taga maal galinta argagaixisada, sidoo kale in la ilaaliyo xuquuqda aamadaha sharciga iyo kala danbeynta.

Itoobiya waxa ay u baahan tahay taageero iyo ka qayb qaatasho ay ku yeelato dawlada Shiinuhu dadaalkeedana ku bixiso sidii ay u balaadhin lahayd waaxda cadaalada ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud.
Warbixintaa xeer ilaaliyaha ka dib oo in sharciga la xaqiijiyo ah ayaa Liu Zhenyu sheegey in dawlada Shiinuhu xaga farsamada iyo dhismayaashaba ka taageereysi Itoobiya si loo hubo dib u habeynta cadaalada.
Waxaa kale oo labada dhinaca isku waafaqeen in la xoojiyo xidhiidhka dhinaca diblamaasiyada ee u dhaxeeya labada dal iyo xidhiidhka dhaqaaleba, waxaaney kala saxeexdeen labada dhinaca is faham guud (MoU) oo ah iskaashiga dhinaca cadaalada.