RW oo ugu baaqey ardeyda jaamacada ka baxeysa in ay ilaaliyaan mabaadi’da adeega

261

Ra’iisal wasaare Dr.Abiy Axmed ayaa ku diiri galiyey ardeyda ka qalin jabinaysaa jaamacadaha iyo macaadi sare ee waxbarashada in ay ilaaliyaan mabaadi’da adeega ilaalinta xasiloonida, jaceylka iyo wada noolaanshaha.

Waxaa kale oo uu ku baaqey in ardeydu ay noqdaan kuwo wax horu mariya isla markaana maskax furan sida xafiiska RW sheegey.

Ra’iisal wasaaruhu waxa uu hadalkan sheegey markii uu ka hadlaayey xafladii qalin jabinta jaamacada Addis Ababa saaka subaxnimadii (AAU) 2011 E.C.

Waxaa kale oo uu cabirey sida uu ugu farsax san yahay uguna faanayo ardeyda qalin jabisey, RW waxa uu ku qeexey jaamacaduhu in ay yihiin meel wax cusub lagu ogaado bartana qofka in uu wax taxliiliyo, baadho waxa uu u baahan yahayna ku  gaadho fikrado kala duwan.

Waxaa jaamacada  Addis Ababa  ka qalin jabiyey sanadkan isu geyn ardey dhan 9,637  oo ka baxey qaybo kala duwan.

Waxa ay jaamacadu siiyey shahaado sharaf  to Mr. Tewolde Gebremariam,  oo ah agaasimaha guud ee shirkada  Ethiopian Airlines iyo muftiga weyn  Sheekh Cumar Idiris oo ah gudoomiyaha golaha sare ee Islaamka Itoobiya.