Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo sheegay in xukuumadiisu hirgalin doonto isbedel la taaban karo, oo dhinacyo badan ah.
Waxaa uu ka hadley in dadku u barteen nidaam adag oo dhib badan, bilihii hore waxaa uu sheegey in nidaamka la daadajiyo lagu dadaalayey hadana isbadal balaadhan la hir galin doono.
Waxaa kale oo uu intaas u darey in hanti dhawraha xisaabaadkii u daba galey ee baxeye sanadkii 2010 kii uu musuq baahsan ku jirey, si musuqaas looga hor tago waa in warbaahintu si xor ah uga hadashaa arimaahs ayuu yidhi madaxweynuhu