RW oo booqasho laba maalmood ah ku tagey Asmara

219

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, ayaa gaadhey caasimada Eretariya ee Asmara saaka subaxdii hore wuxuuna ku joogi doonaa booqasho shaqo oo laba cisho.

Madaxweynaha Eretariya Isaias Afwerki ayaa si diiran u soo dhawaeeyey RW iyo wafdigiisa kuma soo dhaweeyey garoonta diyaaradaha ee Asmara sida uu sheegey wasiirka warfaafinta Eretariya Yemane Gebremeskel.

Labada dhinaca waxa ay ka wada xaajoon doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii ay iskaashigooda u kordhin lahaayeen.

Wafdiga Itoobiya ee RW la socda waaa ka mid ah wasiirka maaliyada Axmed Shide iyo saraakiil sare oo ka mid ah dawlada Itoobiya.