WAREYSI GAAR AH OO AAN LA YEELANAY ABWAANKA SOOMAALIYEED EE CAANKA AH MAX’UUD C/LAAHI CIISE(SINGUB)

735

HA IS RAACDA DIIDAYE HA IS RAAMSATEE DAA!!!!!!!!

WALIGAY DAWLAD KAMA HOR IMAN KANA HOR IMAN MAAYO!!!!!! Abwaan Sangub

Wareysiga aan la yeeshay Abwaanka Soomaaliyeed ee Caanka ah ee lagu magacaabo Sangub waxaan ka hor marinayaa waraysiga qoraal kooban oo ka hadlaaya taariikh nololeedkiisa kaasi oo uu qoray qoraaga Soomaaliyeed ee caanka ah Muxamed Daahir Afrax, mar uu maqaal aad u qurux badan ku tilmaamaayey riwaadii la magic baxdey “ Xoriyo nin Gayaa Ha Guursado” oo uu gundhig qoraagu uga dhigey “ Xoriyo Nin Gayaa Goormuu Dhalan” waan tan sida aan uga soo min guuriyey webka lagu magacaabo (Wardheernews.net)

Waa kuma “Sangub”, mu’allifka Xorriyo? 1

Maxamud Cabdillaahi Ciise “Sangub” ama “Singub” (sidii yaraantiisii lagu naanaysi jirey) wuxuu safka hore kaga jiraa abwaannada ugu caansan taariikhda fanka Soomaaliyeed. Waa abwaan lagu mannaystay hibooyin badan oo is huwan. Waa ciyaartoy, maansayahan, riwaayad-curiye, jilaa, muusig-sameeye iyo majaajilleeye. Waa waddani u dareen nugul danta guud ee dalkiisa iyo dadkiisa. Waa nin miyi ku soo barbaaray dabeedna magaaloobay, sidaa awgeedna aan labada dhinac midna wax weyni ku seegganayn. Wuxuu ku dhashay miyiga Dhagax-buur 1944kii. Tacliintiisii ugu horreysey waxay ahayd dugsi-quraan. Sagaaljir ayuu Quraanka ku dhammeeyey. Isla da‟daas ayuu ku bilaabay ciyaartoynimo waana wixii ugu horreeyey ee uu ku caanbaxay. Bilowgii dhallinyaranimadiisa wuxuu ahaa geel-jire geesi ah, aad isula weyn, dadka ku maaga heesaha ciyaarta, u haysta guud ahaan Somaalida, gaar ahaanna reerkiisu inay ugu sarreeyaan khalqiga Ilaahay uumay. Halkaa ayuu ka bilaabay maansa-tirinta.

Sangub wuxuu ku barbaaray degaan maansada si weyn looga qiimeeyo oo dadka oo dhammi yihiin maanseeye iyo maansa-dhaari. Gaar ahaanna qoyskii uu asagu ka dhashay wuxuu ahaa qoys wada gabayaa ah. Abtigiis wuxuu ahaa gabayaagii caanka ahaa, Ismaaciil Xayd “Aflow”. Waa ninkii uu Tima-cadde ku halqabsan jirey ee uu oran jirey “Mudanihii Aflow iyo sidii Muxumad maw sheegay”. Walaalihiis badankoodu, rag iyo dumarba waa maansaley. Waxaa ka mid ah Axmed Faraddar, Fakad, Muxumad-Wali iyo Cibaado.

1961kii ayuu yimi magalada Hargeysa asagoo ah mudawar dhaanto u dibad-baxay. Wuxuu watey koox ciyaar-toy ah. Wuxuu la kulmay fannaaniin iyo suugaanley ay ka mid ahaayeen Maxamed Axmed, Maxamed Cumar Huryo iyo Cabdillaahi Xamari. Waxay la yaabeen waxa afkiisa ka baxaya. Waxay u geeyeen Cabdillaahi Ayuub iyo Raadio Hargeysa. Wuxuu ku gulaystey imtixaan looga qaaday inuu idaacadda ka shaqeeyo, kumase nagaane wuxuu u sii tallaabay xaggaas iyo Muqdishu. In muddo ah ayuu ka mid ahaa dhallinyaro ka gabayda fagaarayaal ay ka mid ahayd xaruntii Xisbigii loo yiqiin Gareedka, illaa markii dambe laga shaqaaleeyey Radiyo Muqdishu.

1964kii markii uu qarxay dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu wuxuu ka mid noqday suugaanleydii lagu asaasay kooxdii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Halkaas ayuu ku gaamuray fannaan ahaan, kuna soo caanbaxay mu‟allif ahaan iyo jilaa ahaanba. Sangub Indha-dillaacsigiisii reer-magaalnimo iyo kiisii halabuurnimoba waxay ku soo beegmeen xilligaas oo ahaa xilli baraarugga Soomaalida iyo qiirada waddaninimo labaduba marayeen heerkii ugu sarreeyey. Sidaa awgeed, riwaayadihiisii ugu horreeyey waxay ahaayeen waddani, sida aad ka garan doontaan magacyadooda. Wuxuu ku bilaabay „Naga guur’ (1964) oo uu kula doodayey gumeystaha. Waxaa gacan ka siiyey Cismaan Aadan Askari, waxaana soo bandhigtay kooxdii Xoogga Dalka. Riwaayaddiisii labaadna waxay ahayd „La mood noqonse weydey‟ (1965). Wuxuu ula jeedey dhabarjabintii lagu dhiciseeyey aftidii xornimada NFD 1965kii.

1971kii wuxuu ka mid noqday asaasayaashii kooxdii Qaranka, Hooballada Waaberi, ee ka dhalatay isku darkii labadii kooxood ee Radiyo Muqdishu iyo Xoogga Dalka. Ka dibna muddo labaatan sano ku dhow ayuu safka hore kaga jirey abwaannada ugu caansan uguna riwaayado badan masraxa Soomaalida. Wuxuu curiyey in ka badan 30 riwaayadood, waana tirada ugu badan ee ka soo maaxatey maskaxda mu‟allif Soomaalyeed. Riwaayadihiisa aad u caan-baxay oo dadku wada yaqaaniin waxaa ka mid ah Yaxaas-dhega-duub (1968), Xuud baa Liqay Jacaylkii (1974), Qabrigii Jacaylka (1975), Xorriyo (1980), Waa maadeys Adduunyadu (1985kii), Ninba Tacabkiis Taloy kaa Maal (1988), Haysku Toosin Belaayo Nimay taaban Allaa Oge (1989) iyo Qabyo oo ah sisilad weli socota ahna riwaayadda ugu weyn uguna caansan ee soo baxday muddadii burburka. Sangub wuxuu kaloo curiyey boqollaal hees oo jacayl u badan iyo gabayo fara badan oo waddani u badan.

Nasiib-darro, abwaan Sangub, oo ah hormuudka masraxa Soomaalida, illaa sagaashannadii qarnigii tagey wuxuu ka mid ahaa qurba-joogta qaxa la baday, wuxuuna u badnaa Woqooyiga Ameerika.

1(Xorriyo Nin Geyaa” Goormuu Dhalan? WQ: Maxamed D. Afrax, June 05, 2010 Copyright © 2010 WardheerNews)

WAXAA WARAYSTAY: Xasan Ciise[1]

Waxaa ii suura gashay in aan waraysi dheer oo dhinacyo badan oo fanka soomaaliyeed ah aan la yeesho Abwaanka Caanka ah Maxamuud C/laahi(Sangub) kaas oo aan ku warsaystay magaalada Jabuuti ee wadanka jamhuuriyada Jabuuti, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Ugu horen abwaan Sangub waxaan ku waydiiyey waayadii ugu horeeyey ee aad fanka bilowdeen iyo kan maanta jira maxaa kala duwanaansho u dhexeeya?

Sangub: koley hadee fanka isaga oo bilaaban oo jira ayaan ku soo biiray oo maanaan ahayn dadkii dhibka faraha badan ka soo gaadhay oo macalimiin ayaa nooga horaysay ka soo qaad Xuseen Aw Faarax, C/laahi Qarshe,Xasan Sh.Muuminkii dhawaan dhintay iyo dad kale oo fara badan Cali Sugule oo hada Imaaraadka ku nool waxaa kale oo jiray kuwo kale oo heesayaal ahaa , markaa anagu fanka oo dhisan oo dhibaato wayn aan la qabin ayaan nimid hasa yeeshee, wixii la abaabulaaba taran ayuu sameeyaa anagu waxaan galay tarankii ay dadkaasi abaabuleen.anigu hadii aan hadii aan kaaga waramo taariikhdayda waxaan fanka ku biiray aniga oo yar waxaanan ka soo jeedaa deegaanka Dhagaxbuur, waayadaa horena fanka kuma biiri jirin qof wayni ee dadku iyaga oo yar-yar ayey soo gali jireen lagan yaabo in ay reerkooda ama qosykooda isku khilaafsan yihiin oo dhuumasho ayaa lagu soo gali jiray, marbaa waxaa jirtay in aan hablahayaga magacooda aan qarain jirnay waad aragtay Guduudo shamis baa la yidhaa dee Baxsan Saynab baa la yidhaahdaa, naxariistii Alah ha siiye Magool Xaliimaa la yidhaahdaa, Dalays Khadiijaa la yidhaahdaa, adu yaanan kugu daaline Duniyo Xareedaa la yidhaahdaa,

S: Markaa waxay ahaayeen magacyo aad ku qaraynayseen si dadku aanu u  fahmin?

Sangub:  Haa waxaan rabnay in aanay dhibta dadku ku badan sidaas waxaad ku garanaysaa waxani in aanu ahayn wax ay soomaalida qadiim ku ahayn, waayo waxaa laga yaabaa gabadha soomaaliyeed ee boodaysa in ay aabeheed iyo walaaladeed oo jooga raga u soo marto oo ay boodo gabadhu maanta oo dhan way ciyaaraysaa oo nimankaas ayey isku jijibinaysaa oo kaa dhib looma arkayn caawa oo dhan ayey sidaa ahaanaysaa oo waaga ayaa ku bar yaya oo uma aanay arkayn dhib, markaa ma muusigaa dhibka keenay? Ma goor danbe ayey baraarugeen? Ma kala garanaysid ciyaar walbana inamo iyo gabdho ayaa ciyaara oo ma jirto mid ay gaar qolo la tahay.

Marka aan arintaa sii falanqeeyo fankii hore waxa uu ahaa mid jirid leh oo ah in uu nabad galiyo hadaha Soomaaliyeed oo raggii waxan soo aas-aasay waxay doonayeen in aan dadka yaga wadada fiican aan barno anaguna waxaan ku ahayn heshiis oo qofba qofka uu ka danbeeyo tixgaliyo oo macalin yidhaahdo dee maanta waad aragtay oo qofku wuu iska soo galayaa oo cajalad buu heesihii ka dhegaysanayaa isaga oo aanay cidi u fasaxin kii laxanka sameeyey ma waydiinayo, kii sameeyeyna ma waydiinayo kii qaadayeyna ma waydiinayo kii u tumayeyna xataa ma waydiinayo,markaa waxaad moodaa in uu intaas oo qofba ka kaaftoomay xataa kii saxa ahaa oo wax saxaahayey.

Waxaa kaaga daran dadka soomaaliyeed ma yaqaanaan waar waxan hebel baa noo tumayey ama noo qaadayey ee waar naga daa oo isagaasaa loo aqoonsanyaa aroosyada o ayuu ka qaadayaa oo idaacadihii ayuu ka qaadayaa oo loo mashxaradayaa oo xataa Idaacaduhu ma odhanyaan waa tii hebel qaadayey oo kaydiisa ayey ku jirtaaye saara ma odhanayaan kolayna waxa uu ahaa wax nidaam leh oo la kala leeyahay oo dawladi kala wado oo sharci kula socda oo alaab dawladeed la isticmaalayo oo kala danbayn iyo nidaa m leh oo inta badan garab iyo waxa ilaaliyaba leh  laakiin hada ma laha wax daryeela iyo wax ilaaliya toona mar hadii muusig loo tumayo yaa lehba laysama odhanayo markaa waxaad moodaa in ay aad u kala fog yihiin oo farqi wayni u dhaxeeyo labada xilli ama fankii hore iyo kan maanta.

S:  Waqtiyadii lixdameedii iyo todobaatameeyaddii waxaa la odhan karaa waa waqtigii casru dahabigii fanka soomaalida markaa kooxiihii faraha badnaa ee jiray sida Horseed, Waabari, Jenaraal Daa’uud iyo kuwo kaleba kooxahaas faraha badanleh ma dawladaa samaysay mise iyaga uunbaa isabaabulay oo iskoodu iskaga samaysmay?

Sangub:Way jirtay waqti hore oo lixdameeyadii amaba ka horaysay iyo waqti ka danbeeyeyba waxaa jiray dad isbaabulay oo aan cidna waxba la qaban oo samaysatay oo si fiican wax u waday laakiin waqtigii ay soo gaadhay lixdameeyadii waxaa usha u waday dad shaqaale ah oo markaa qofka aan shaqaale dawladeed ahayn waxbaba ma samayn karayn, deedna waxaa laga madhan jiray dadkaa marba cidii ka soo dhex baxda waad ogayd heesihii hir galay qayb wayn bay ka qaateen,kooxuhuna waxay kala ahaayeen qaybo fanku markii uu hirgalay ee uu yeeshay qaybo kala duwan ee uu dhoofay isla markaana yeeshay qalab casri ah ama uu yeeshay golayaal lagu tumo oo qaraabi la soo tumo lixdan iyo dharwkii ayaa ay bilaabantay in ay dawlada u  shaqeeyaan,markaa waxaa ugu xoog badnaa waagaa koox la odhan jiray Xoogga Dalka oo aniguna aan ka mid ahaa waxaa taa ka horaysay koox la odhan jiray Radiyo Muqisho waxaanay u badnaayeen dad badan oo dhar cad ah oo dagaalkii 1964kii ciidamada lagu daray markii aan dagaalanay ianaga iyo Axmaardu waxaa kale oo nalagu soo daray Baxsan iyo Cusmaan Aadam oo markaa ayaan bilawnay riwaayado in aan dhigno markaa kooxdaas oo jeneraal Daa’uud la odhan jiray ama xoogga dalka iyo tii radiyo Muqdisho iyo tii kale ee Raadiyow Hargaysa ayaa laysku daray oo loo bixiyey Waabari intaas waxaa laysku daray markii kacaankii dhashay intii kalena waxaa laga kala dhigay Halgan waxay ahayd kooxdii guulwadayaasha, Heegena waxay ahayd Booliska Iftiin waxaa lahayd waxbarashada Danwadaahaga waxay laaheen koox iyaguna, markaa sagaal kooxood ayaa nasiib u helay in la sameeyo qaarna ha ahaadaan qaran qaarna hay’ado kale gacanta ha ku hayaane kooxda waabari ee aan ka tirsanaa waxay ahayd kooxda qaran ama hooyada fanka aniguna iyada aan ka mid ahaa, markaa fanku waxa uu booday oo aad u hirgalay markii kacaanku dhashay oo la sameeyey muusig casri ah ama mid dibada laga keenayba la tumay kolkaa fankii sidaa ahaa maanta u malaynmaayo in uu sidii yahay oo cid tix galisaaba jirtaaba dadkiina waa kala lumay oo ninba meel ayuu iska joogaa kuwa meelahaa joogaana waxa ay noqdeen dad in badan soo shaqeeyey oo aan xiiso badan u qabin waayo waligii waxaa laga yaabaa in aanay raaxo badan fanka ku arag intii yarayd ee shanqadhu jirtayna waa iska dhamaatay markaa fankii wax wayn baa helay markii ay burburtay dawladii soomaaliyeed, markaa fili maayo in uu sidii ku noqon karo oo anagu waxaan soo gaadhanay gabayadeenii oo cusub oo ma jirin dad badan oo jaamacado ka soo baxay ma jirin saamaynta satalite-yada, internet-ka iyo massmedia-aha kale ee hada hadheeyey adduunka oo waxan la kulanay dhaqankii oo dadku waxa ay xiisaynayeen in ay bartaan gabayga ama heesaha sidaas ayaa dhashay in fankii hore jirid yeesho laakiin maanta ma jiro cidi hadal haysa oo baahiba looma qabo oo waxaan baahiba loogu qabin ma jiraan dad danaynaya oo xiisaynaya mararka aan wax dhigayno waxaa noo yimaada dad dhalin yar ah ee ma jiraan dad waawayn oo hooyooyin ama waalid ah  amaba aqoonyanao ah oo ka soo qayb gala waxa aan soo bandhigayno ma jiraan dad waayeel ah oo ka soo qayb galaya markaa waxay odhanayaan anagu diin uun baan leenahay ee dhaqan ma lihin oo horta anagau muslimiin baan nahay oo diin waan leenahay lamana badali karo diinta waxbana laguma dari karo lamana dhimi karo Ilaahay baana iska leh diinta markaa diintu inama odhan geel baad dhaqataan oo geeska Afrika ayaad degtaan oo qori baad qortaan, taas waxaa ina odhanaya dhaqan ab ka soo gaadh ah ama aan idhaahdee Hide ilayn dhaqanku waa maalinlayda ayuu la socdaa oo waxaa ka mid ah shaadhka aan xidhanahay makarafoonkan aad wax igaga qabanayso markaa dhaqanku maalinlayda ayuu la socdaa ee hiduhu waa dhiilkii aan qoranaynay, Haragii aan ku seexanaynay Cawskii aan Hararka ka samaysanaynay wixii aan biyaha ku ku cabaynay weelkii aan caanaha ku lisanaynay iyo wixii kale ee la midka ahaa, anaga waxaa nagu dhacday markii aan dibadahaa tegnay in la yidhaahdo qowmiyad walayba ciyaara dhaqankaaga iyo hidahaaga caruurtayadii way garan waayeen markaas ayaa la yidhaahdaa  waryaada maydaan lahayn dhaqan iyo hide idiin gaar ah, markaa ayaa da’yartii waxay ku khasban yihiin in ay dhaqan kale qaadaan oo ku cayaaraan ama daawadaan,waxay ka mid ahayd ceebaha nagu soo baxay hadii aad tidhaahdo wax barna aabo gantamaya ama hooyo lalaysa ama nin culimaan ahay leh oo lalaya ayaa ku soo galaya, kolkaa waxay noqotay in ay dhalinyaradii daawadaan TV-ga shisheeyaha ama ciyaaro shisheeye ilayn waa in ay waqtiga ku buuxiyaan wax aan ahay dantooda ilayn qofna meel cidla ah fadhiyi maayee.

Markaa waxaa muuqda dadkii waalidka ahaa ama wax kala garanayey in ay gaabiyeen oo kaalintoodii gabeen, imika waxaa jira wadanka jabuuti ayaa aad iskugu hawlay oo wax badan in uu ururiyo isku dayey, waxay sameeyeen Tixmaal, iyo Halabuur oo waxay ururiyeen abwaaniin badan iyo qorayaal badan wax badan ayey qabteen Aw jaamac iyo Afrax halkan ayey joogaan oo hawl badan ayaa la qabtay oo dadkaas wax qora ayaa la yidhaahdaa, magaaladan Jabuuti ee aad arkayso waxaa ka buuxa abwaano iyo hal abuuro fara badan oo hadii la aruuriyo oo dodo loo sameeeyo wax wayn bay qaban karaan markaa waa in abaabul loo sameeyo oo dadka la jeclaysiiyo oo ay Idaacadaha ka soo baxaan waxaana muuqata in ay Jabuuti wax wayn ay qabanayso oo ay dadaalayaan waana in la helo dhaqankii.

S:Aan ku noqono fankaagii hore ilaa waabari markaad ka mid ahayd amaba ka horba ilaa maanta imisa riwaayadood baad samaysay?

Sangub: kolay waxaan ahay abwaaniinta ninka ugu riwaayado badan oo taas muramo kama joogo amaba ugu heeso badan intii aan qalabkan duubista la keenin iyo maantaba wax badan baan sameeyey markaa hadii aadan riwaayadii magaceeda iyo abtirkeeda aan lagu darayn waa wax yar uun wixii laga xasuustaa heesihii ma duubna kaydkii Idaacadihii loo doonan lahaana ma jiraan,sida aad og tahayna riwaadaha qaarkood waa hir galaan qaarna waxaa laga yabaa in aan muhiimadeeda lagu baraarugin,markaa anigu way badan yihiin riwaayado badan baan sameeyey markaa in aad I waydiinayso riwaayadee baad ugu jeceshahay iyo mooyaane aad bay u badan yihiin.

La soco qaybo kale…………………


[1] FG: Wareysigan Waxaan Qaadey 2007 kii oo aan abwaanka kula Kulmey Guri uu Jabuuti Ka Degaana