Madaxweynaha DDS oo soo dhaweeyay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Muxumed Qani.

263

Mas’uuliyiinta ugu sareysa xukuumada DDS oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa garoonka diyaaradaha ee caasimada deegaanka ee Jigjiga ku soo dhaweeyay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Muxumed Qani oo ahaa madaxwaynihii 3aad ee deegaanka Soomaalida ka soo noqday madaxwayne.

Ugaaska Cabdiraxmaan Ugaas Muxumed Qani ayaa 10kii sano ee ugu dambeeyay ku sugnaa dalka dibadiisa, wuxuuna ugu mahad celiyay xukuumada deegaanka ee uu hogaaminayo madaxwaynaha DDS sida quruxda badan ee loogu soo dhaweeyay deegaanka iyo dadaalada ay ugu jiraan taabagalinta horumarka, nabadgalyada, maamulwanaaga, dumuqoraadiyada iyo guud ahaanba adeegyada bulshada.