Bari iyo maalinta dhir beerista Dalka.

193

Waxaa lasoo gabogabeeyey qorshihii diyaargarowga dhir beerista deegaanka Soomaalida.

Waxaa maalinta bariya oo ay taariikhdu ku beegantahay 22 bisha Hamle 2011ka T.I guud ahaan dalka oo dhan laga beeri doonaa 200,000,000 (laba boqol oo milyan) oo Geed,arintaasi oo dhaman deegaanada dalka ka dhici doonta.

Qorshaha dhirbeerista oo deegaan walba samaynayo ayaa waxaa deegaankeena soomaalida maalinta bariya laga beeri doonaa 16,000,000 (lix iyo toban milyan) oo Geed,iyadoona dhir beeristan ay ka qayb qaadan doonaan mas’uuliyiinta ugu saraysa xukumada deegaanka Soomaalida,qaybaha kala duwan ee mas’uuliyiinta heer deegaan,shaqaalaha xafiisyada dowlada,maamulada gobolada,degmooyinka,iyo maamul magaalooyinka deegaanka shaqalaha dowlada ee ka howlgala goobahan,dhamaan bulshada qaybaheda kala duwan,ururada rayidka iyo ciidamada kala duwan ee deegaanka.

Qorshahani dhir beerista dalka ayaa noqon doona mid dhigi doona diiwaan cusub oo tiradii ugu badnayd ee dhirbeeris lagu sameeyo dalka taaso taariikhda dunida baalwayn kagali doonta.

Hadaba muwaadin si qorshaha cagaarinta deegaankeena iyo dalkaba loogu guulaysto waxaa waajib inaga wada saaran yahay in qof walba beero laba geed oo diiwaanka ugala.