Madaxweynaha DDS oo ka qayb galay ol-olaha dhir beerista.

181

Madax weynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa ka qayb galay ol-olaha dhir beerista ee magaalooyinka Jigjiga iyo Qabribayax.

Madaxwaynaha ayaa ku booriyay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada deegaanka heerar kooda kaa duwan in uu qofkasta xilka saaran yahay in uu dhir beero isla markaana uu ilaaliyo daryeelka geedaha uu beeray si loo taaba galiyo ujeedooyinka qorshaha dhir beerista.

Shaqadan ayaa maanta ka socotey dalka oo dhan taasi oo mas’uuliyiinta dawlada io dadweynuhuba ka qayb qaadanayeen.