Kooxda fanka iyo suugaanta Deegaanka Oromiya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Jigjiga.

197

Waxaa soo gaadhay caasimada deegaanka ee Jigjiga, kooxda fanka iyo suugaanta Biiftu band ee deegaanka Oromiya, waxaana si qurux badan ugu soo dhaweeyay degmada Gursum masuuliyiin heer deegaan iyo kooxaha fanka iyo suugaanta deegaanka.

Kooxdan fanka iyo suugaanta deegaanka oromiya ayaa waxay ujeedada socdaalkoodu tahay ka qaybgalka shirwaynaha wadatashiga deegaanka Soomalida iyo Oromiya oo maalmaha fooda inagu soo haya ka fur midoono caasimada deegaanka ee Jigjiga.