Kuliyada gaashaan dhiga oo ay ka qalin jabiyeen 100 saraakiil milatari sar sare ah.

281

Kuliayda  difaaca iyo arimaha milatariga ee Itoobiya ayaa waxaa maanta ka qalin jabiyey 100 saraakiil  milatari, kuwaas oo darajadoodu sareyso, waana markii 13aad ee kuliyadan ay saraakil ciidan ka soo baxaan.

21 ka mid ah saraakiisha qalin jabisey waxa ay ka socdeen wadamada Djibuuti, Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.

RW ahna taliyaha sare ee ciidanka Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa saraakiisha qalin jabisey u qaybiyey shahaadooyin dibloma ah,waxa u RW ka sheegey xafladaas in tababar dheeraad ah ciidanku u baahan yihiin si ay shaqadooda u horu mariyaan.

Waxaa kale oo uu ku baaqey in ciidanka ka soo baxay halkan ay wadankooda ugu shaqeeyaan khibrada iyo aqoonta ay ka heleen kuliyada ciidamada.