Baarlamaanka MM Jigjiga oo ansaxiyay maayar iyo maayar ku xigeen cusub.

380


Xubnaha golaha xildhibaanada maamulka magaalada jigjiga ayaa maanta yeeshay kalfadhi lagu dooranayay duqa maamulka magaalada Jigjiga iyo duq ku xigeenka maamulka magaalada jigjiga.
Dood iyo falanqayn ka dib xubnaha baarlamaanka mm Jigjiga ayaa cod buuxa ku ansaxiyeen in uu noqdo maayarka maamulka magaalada Jigjiga mudane Cabdifataax Ibraahim, halka maayar ku xigeenka maamulka magaalada Jigjiga loo ansaxiyay in uu noqdo mudane Xaashi Cabdilaahi shide.
Gudoomiyaha maxkamada guud ee DDS mudane Cabdilaahi siciid ayaa dhaariyay maayarka cusub ee mm Jigjiga mudane Cabdifataax Ibraahin.