Baarlamaanka degmada Gursum Oo yeeshay kal fadhigii 13aad.

236

Xildhibaanada degmada Gursum ee gobolka Faafan ayaa yeeshay kal fadhigii 13 aad kaas oo ay soo xaadireen dhamaanba xubnaha golaha xildhibaanada degmada Gursum.

Waxaana kal fadhigan horyaalay 3 qodob oo kala ah soojeedinta warbixinta wax qabadka sanad miisaaniyeedka 2011 TI, asixinta miisaaniyada 2012 TI iyo warbixinta waxqabadka maxakamada degmada.

kal fadhigaasi waxaa furay af hayeenka baarlamaanka dagmada mudane Ibraahin Xasan intaasi kadib waxaa lagudagalay soojeedinta warbixinta waxqabadka sanad miisaniyeedka2011 waxaana soojeediyay madaxa maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha dagmada maxamed cabdiraxmaan. dhagaysiga warbixinta kadib wuxuu Golaha xildhibaanadu siwayn ugadooden waxyaabaha aan qabsoobin iyo sababaha ay uqabsoomiwayen iyo jihooyinka waxkabadalka sanadkan cusub ee 2012 TI.

W/D/Mukhtaar Maxamed