Shir weynaha cidhib tirka cudurka dabeysha oo ka dhacay Wajaale.

246

Waxaa maamulka magaalo xuduudeedka Wajaale lagu qabtey shir weynaha daahfurka ololaha cidhibtirka cudurka dabeysha.

Shirkan waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin heer deegaan ah oo uu hor kacayo wasiirk ku xigeenka xafiiska madaxtooyada DDS mudane Cabdirisaaq Sheekh Cabdiraxmaan Sayid mas’uuliyin, ka socday heer faderaal iyo mas’uuliyiin kala duwan oo kasocday Soomaaliland oo uu hor kacayey wasiirka horu marinta caafimaadka Soomaaliland mudane Cumar Cali cabdilaahi, xubno ka socday hay’adaha bah wadaagta la ah xafiiska caafimaadka, qaarka mid ah hogaanka odayaal dhaqameedka deegaanka Soomaalida, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale
Waxayna ujeedada kulankani ahayd sidii layskaga kaashan lahaa cidhibtirka cudurka dabeysha.
Waxaana shirkaasi lagu daah furay wareega koowaad ee ololaha oo 19ka bishan maalinta isniinta ka bilaabmaya 5 gobol oo kamid ah gobolada deegaanka Soomaalida iyo deeganada dariska la ah ee Soomaalida kale.