Halkee ayuu marayaa mashruuca dhismaha wadooyinka MM Jigjiga?

182

Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka xafiiska madaxwaynaha DDS mudane Xasan Maxamed iyo wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDS Dr Cabdifataax Sheekh Biixi ayaa maanta booqday xarunta shirkada dhisaysa mashaariicaha dhismayaasha wadooyinka laamayga ah ee maamulka magaalada jigjiga oo ay dhawaan ku guulaysatay dhismahooda shirkada laga leeyahay wadanka Shiinaha oo magaceeda loo soo gaabiyo CCCC.

Mas’uuliyiintan ayaa u kuurgalay geedi socodka shirkadu uwado bilowga dhismaha mashruucan oo bilaw fiican maraya.

Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha shirkada CCCC ayaa uga warbixiyay mas’uuliyiintan heer deegaan, waxyaabaha u hirgalay tan iyo intii ay bilaabeen mashruucan jidadka laamayga ah ee maamulka magaalada Jigjiga.