Jaamacada Dir dhaba oo ay ka qalin jabiyeen 63 ardey oo ah ardeyda xiliga xagaaga wax barata.

203


waxaaney ardeydaasi ka qalin jabiyeen machadka Af Soomaaliga iyo Suugaanta ee jaamacadaas, waxaana xafladaas ka hadley Guuleed Khadiir oo ah madaxa Machadka Suugaanta ee jamacada, waxaanu sheegey in machadka la aas -aasey sanadkii 2007 ee taariikhda Itoobiya, waxaanu intaas ku darey in ay dafcadani tahay tii ugu horeysey ee ka qalin jabisa machadka tan iyo intii la unkey.
Sidoo kale waxaa ka hadashey Dr. Ubax Aadan oo ah madaxweyne ku xigeenka jaamacada Dir dhaba, waxaaney ugu hambalyeysey ardeydaas in ay barteen luuqadoodii, dhaqankoodii iyo Suugaantoodii.