Wafti uu hoggaaminayo madax-weyne ku xigeenka DDS oo gaadhay magaalada Dhagax-buur.

199

waftigan uu horkacayo madax-weyne kux igeenka DDS Mudane Aadan Faarax Ibraahim oo saaka gaadhey maamulka magaalada Dhagax-buur ayaa kulan laqaatay maamulka magaalada si loo sii xoojiyo jihada iyo siyaasada horumarinta magaalooyinka.
waxaa uuna madaxweyne ku-xigeenku sheegay in ay xukuumaddu xoogga saarayso horumarinta nolosha shacabka magaalooyinka ku dhaqan,gaar ahaan dhinacyada adeegyada aasaasiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
socdaalka waftigan ayaa ah kormeer lagu soo ogaanayo xaalada nolosha bulshada 6da maamul magaalo ku dhaqan.