Madaxda Wakaalada Xulka Abuurka beeraha oo soo kormeerey beeraha tijaabada.

261


Beeraha aya awaxa ay ka mid yihiin waxa soo saarka ugu muhiimsan marka laga yimaado dhaqaashada xoolaha DDS, waxaanea lagu qiyaasaa 40% in ay ka yihiin beerashda dakhliga guud ee deegaanka.
Hadaba iyada oo taal laga duulayo ayaa maareeyaha wakaalada xulka abuurka beeraha mudane Maxamed Shariif Cali, iyo qaar ka mid ah iskaashatooyinka beeralayda ee ay tababaraan ayaa soo kormeerey maanta beeraha tijaabada xulka abuurka iyo kuwa iskaashada Dalsoor.
Waxaaney sheegeen dadka beeralayda ah ee deegaanka ay hawshaasi ka socoto ee Harooreys in ay aad uga faa’iideysteen hababka beerista kala duwan ee ay adeegsanayo wakaalada Abuurka iyo xirfadaha kala duwan ee ay bareen dadka beeralayda ah.