Gudoomiyaha gobolka Siti oo shir jaraa’id qabtey.

223

Gudoomiyaha gobolka Siti mudane Cumar Cabdi Maydhane ayaa shir jaraa’id oo uu manata ku qabtey xafiiskiisa waxa uu kaga hadley arimo badan oo ah  dhibaatooyinka ka taagan galbeedka gobolka Siti, taasi oo ay sababaeen maamulka Canfarta oo mudoba weerar ku hayey dhulkaas, waxaanu ka warbixiyey gudoomiyuhu dhibaatada ka soo gaadhey dadka Soomaalida ah ee ay ciidanka Liyuu booliska Canfartu marar badan soo weerareen, waxaanu yidhi:

Waxaa mudada ay dhibaatada ku hayeen galbeedka Siti ku naf waayey 273 qof, halka uu dhaawacu marayo 313 qof, waxaa kale oo weerarada Canfarta lagu waayey xoolo dhan 5,000 oo neef, waxaana ku burburey ayuu yidhi 2,00 oo guri.

Intaas waxa uu ku darey gudoomiye Maydhane in ay dawlada fedraalku isku daydey in ay xaliso arintan waxaaney arintaasi u suuro gali weydey dharw arimood oo ay ka mid tahay ayuu yidhi:

  1. Waxaa maamulka Canfarta hogaaminaya hada dad ma naxayaal ah oo aan daneyneyn darisnimo iyo walaalino midna.
  2. Waxaa ku jira maamulka Canfarta dad ka soo hor jeeda isbadalka wadanka ka dhacey, kuwaas oo raba in arinkaasi dhicisoobo.

Ugu danbeyntii waxa uu sheegey gudoomiyaha gobolka Siti in ay diyaar u yihiin wada hadal iyo in arinka xal loo helo, lana dhawro walaalnimada, darisnimada iyo islaanimada.

Waxaa kale oo uu ku sheegey in  mar marsiiyaha Canfarta ee ah in Alshahaab, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaan nalaga soo weerarey ay lee yihiin uu yahay hadal meel waayey oo aanu waxba ka jirin, waxaanu diyaar u nahay ayuu yidhi: in aad dicaafno dadkayaga iyo dalkayagaba.